Sawirro: Musaveni oo ciidamadiisa uga tagay fariin khuseysa Sheekh Shariif Sheekh Axmed

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Musaveni ayaa inta uu joogay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia kulan la qaatay Saraakiisha iyo Ciidamada Ugandha ka jooga Somalia, gaar ahaan cutubyada ka howlgala magaalada Muqdisho.

Musaveni ayaa ciidamada uga sheekeeyay halka uu gaarsiisan yahay xiriirka labada dal iyo kaalinta ay ciidamada Ugandha ku leeyihiin dib usoo nooleynta magaca Somalia mudada ay qeybta ka yihiin AMISOM.

Muaveni oo hal habeen ku hoyday magaalada Muqdisho, ayaa ciidamada u sheegay in marka hore looga baahan yahay inay la dhaqmaan shacbiga Soomaaliyeed oo ay ku dhex noolyihiin, waxa uuna sidoo kale u sheegay in dowlada Somalia ay ku tashaneyso ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Ugandha sidaa darteedna looga baahan yahay inay dhexda u guntadaan sida ay u xaqiijin lahaayen amniga goobaha ay ka dhici doonto doorashada.

Waxa uu u sheegay inuu la socdo dhaqaalaha xumida heysata ciidamada balse waxa uu ugu laab qaboojiyay inay heli doonaan xuquuqdooda taasi bedelkeedana looga baahan yahay inay sugaan amniga caasimada Somalia iyo kan Gobolada Dalka.

Museveni waxa uu sidoo kale ugu baaqay ciidamada Ugandha in ay ilaaliyaan hab-dhaqanka ku salaysan Afrikaannimada, kaas oo uu sheegay in uu yahay mabda’a ugu muhiimsan ee uu ku dhisan yahay ciidanka Uganda.

Sidoo kale, Saraakiisha ayuu ku wargaliyay inay mas’uuliyad ka saaran tahay amniga Musharaxiinta, gaar ahaan kuwa horay xilalka uga soo qabtay Somalia oo uu ula jeedo Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo isaga goor sii horeysay dowlada Ugandha weydiistay sugida amnigiisa.
musaveni-1

musaveni-2

musaveni-3

musaveni-4

musaveni-5

musaveni-6