Yusur Abraar waxay la mid tahay Xaawo Taako: W/Q Ingiriis

Afartii sano ee la soo dhaafay (2012-2016), waxaa caado u ahayd Madaxweynihii Hore Xasan Sheekh inuu la diriro kuwa damiirkoodu diiday xatooyada iyo tuugannimada, isla markaana uu dallacsiiyo kuwa ku eedeysan musuqmaasuqa iyo maafiyenimada. Tusaale, wuxuu Xamar ka ceyriyey Yusur Abraar, wuxuuna dallacsiiyey Cabdisalaam Hadliye oo dokumenti ay soo saartay Qaramada Midoobay lagula eedeeyey musuqmaasuq (fiiri UN Monitoring Group Report), horeyna ugu eedeysnaa wax-is-daba-marin markii uu joogay xafiiska Duqa Washington D.C.

Ummadda Soomaaliyeed meel ay joogto guud ahaan, waxay ka dheregsan yihiin shantaan qodob ee soo socda inay sifaheeda yeelatay Yusur Abraar oo ah gabar Soomaaliyeed oo kasbatay sharaf iyo cizzi, kulansatay dadnimo iyo damiir, isla markaana kartideeda kula adkeysatay xalaal-quutennimo iyo inaan hunguri ka-gelin xoolaha dadweynaha. Haddaba, waa in la caddeeyaa oo lagu celceliyaa:

1) In Yusur Abraar ay la mid tahay Xaawo Taako oo ay noqotay qof u halgamay qarannimada ummadda Soomaaliyeed iyo jiritaankeeda qarnigaan kow iyo labaatanaad.

2) In Yusur Abraar ay tahay qof astaan u ah Soomaalinnimada suubban, damiirka wanaagsan iyo dadnimada toosan oo ay ku dayan doonaan jiilasha Soomaaliyeed iyo hoggaannada dambe ee Soomaaliya.

3) In Yusur Abraar ay caddeyn iyo tusaale u tahay in ummadda Soomaaliyeed ay ku dhex jiraan dad hungurigoodu kala weyn yahay wanaagga iyo wax-u-qabadka ummaddooda. 

4) In Yusur Abraar ay tahay qof aan kula doodno ajnabiga daneeya Soomaaliya marka ay na yiraahdaan ‘Soomaalidu waa wada tuugo’. Runtii, Yusur Abraar waxay noqotay qof aan caddeyn ka dhiganno oo aan ku niraahno adduunyada ‘waxaa naga buuxa boqolaal Yusur Abraar ah, balse Xasan Sheekh ayaa neceb Yusur Abraarada oo jecel Cabdisalaam Hadliyeyaasha wax u musuqmaasuqa ee jiifkiisa ugu geeya lacagta iyo laaluushka iyo Cabdiraxmaan Odowaayaasha wax shirqoola oo dadka u dila, una sameeya kaaba-qabiillo been ah’.

5) In Yusur Abraar ay taariikhda ummadda Soomaaliyeed ka gashay baal dahab ah, laguna qori doono buugaagta taariikhda ee ardayda Soomaaliyeed loogu dhigo iskuullada, si ay cashar uga bartaan damiirkeedii iyo dadnimadii ay ku diiday laaluushka, boobka iyo dhaca hantida ummadda.

Sidaas awgeed, waa inaan dhignaa oo qabanqaabinnaa xaflad ka dhacaysa Xamar oo aan ku sharfeyno Marwo Yusur Abraar, Allaha xafidee, aamiin. Waa in Xamar lagu dhejiyaa boorar ay ku sawiran tahay Yusur Abraar. Musharrixiinta madaxtinimo, waa inay tusaale iyo tixraac ka dhigtaan Yusur Abraar. Ogaada, soo hadal-qaadista iyo tixraacidda Yusur Abraar, waxay Madaxweynihii Hore Xasan Sheekh Maxamuud ku tahay naxdin, waayo ma jecla Yusur Abraar oo kale.

Ma jirto qof dumar ah oo la barbardhigi karo Yusur Abraar, waxayna u qalantaa in iyadoo kale loo dhiso taallo. Yusur Abraar, sharafteeda kuma iibsan inay wax ka xaddo xoolaha dadka masaakiinta ah ee baahan. Yusur Abraar, ma ahayn qof nacamleeye ah. Yusur Abraar, waxay ahayd qof isku kalsoon oo aan qaadanaynin dullinnimo. Yusur Abraar oo kale inay dalka cag soo dhigto waxaa ka hortaagan mafia corporate enterprise-ka doonaya inay dalka ku haystaan lacagaha ay boobeen. Yusur Abraar, weligeed ma aqbasheen in maafiyadu ay maafiyo kale ka iibiso iskuulladii dadweynaha, sida dugsigii sare ee farsamada gacanta ee Politecnico oo dhawaan lagu wareejiyey niman qowleysato ah. Waa inaan annagu u noqonnaa Yusur Abraar hooyga ay ku hiranayso iyo xoogga ay ku tashanayso ee ka yureynaya maafiyada.

Waxaa intaa dheer, waxaa ummadda Soomaaliyeed mar walba si joogto ah isu weydiiyaan su’aasha ah: maamul-xumida iyo musuqmaasuqa baahay ee ka jira Magaalada Muqdisho ma loo heli karaa wax xal ah? Soomaalidu waxay tiraahdaa, ‘Qur’aanka ayaan xafidsanahay, waxa ka xoog badan yaa kaa akhrisanaya’. Xalka boqol jeer ayaan sheegnay, laakiin ma dhegeysanayo Xasanka caadeystay inuu dowladnimada ka dhex baadigoobo lacag iyo laaluush. Dhegihiisa boqol jeer ayaan ku shubnay inuu wax hagaajiyo oo uu wax horumariyo, laakiin wuxuu ka doorbiday xoolo sameysasho iyo baahi ka carar, isagoo dariiqa uu u marayo taasi ay tahay inuu wax laayo, inuu wax xiro iyo inuu wax boobo.

Xalka kiisa koowaad waa in Xasan la beddelaa, laguna beddelaa hoggaan damiir leh oo daacad ah. Haddii la helo hoggaan noocaas ah, waa la helayaa nabad waayo waxay ku imaanaysaa wada-xaajood iyo isu-tanaasul, qaraxyaduna waa istaagayaan. Si ninka na hor taagan ee musuqmaasuqeysan loo beddelo, waa in kor loo dhawaaqaa oo codka kor loo dhigaa. Taliska jira ee caadeystay dhaqan-xumada dowladeed lama beddeli karo, haddii aan la beddelin aabbahood oo ah Xasan Sheekh Maxamuud.

Xalka xiga, waa in hoggaanka cusub ee imaan doona uu si dhaqso leh u magacaabo laba hay’adood oo lagama-maarmaan u ah in la xaqiijiyo dowladnimo wanaag (good governance), si looga hortago boob dambe oo dhaca, kuwii horeyna looga daba-tago. Labada hay’adood, waa in loo dhiibaa dad ka madax bannaan dowladda, qaasatan dadka dhaliila musuqmaasuqa iyo maamul-xumada.

1) The Asset Recovery Agency (hay’adda soo celinta hantida la dhacay, mid dadweyne iyo mid qaran). Waa hay’adda ay tahay inay ka daba tagto oo ay soo celiso boobka lagula kacay isbitaalladii (sida Martiini) oo uu madaxweynuhu dhawaan ka iibiyey ganacsade maalmaati qabeen ah oo aan waxba deeqin, warshadihii (sida tii Sigaarka iyo Tarraqa, Baastada, Caanaha, iwm) oo laga iibiyey ganacsato, hoteelladii (sida SYL, Curuba, Jubba, iyo wixii la mid ah) oo ganacsato laga gaday, xerooyinkii (sida xero Jarmal, xero Shiine, iyo wixii la mid ah), dhulalkii dowladda (kuwii bannaanaa iyo kuwii aan bannaaneyn) oo la iibiyey, lana doonayo in lagu galo ololaha doorashada. (Markuu arkay in Xasan Sheekh uu iibka hantida ummadda ku talax-tagay ayuu Cumar Cabdirashiid dhankiisa ka iibiyey dhulal dowladeed, si uu dhaqaale ugu helo ololihiisa madaxweynenimo).

2) The Anti-Corruption Commission (Guddiga La-Dagaallanka Musuqmaasuqa). Waa inay hay’addani dhaqso u howlgashaa, isla marka lagu dhawaaqo madaxweyne cusub. Waa inay ka billowdaa shaqadeeda boobka xoogga leh ee ka socota Dekedda Muqdisho oo guddoonkeedii ay dhisteen hoteello iyo goobo ganacsi. Waa in hay’addu baaris ku sameysaa arrintaas, marka ay soo dhammeystirato caddeymaheeda (oo aan qaar annaga hayno) waa inay hantidaas la boobay xaraashtaa, kuna bixisaa biilka Ciidanka Militariga. Xoolahaas laga xaday Dekedda haddii la xaraasho waxaa la awoodi doonaa in la bixiyo biilka ciidanka afarta sano ee soo socota (2016-2020). Kaddib, waa inay baartaa Bankiga Dhexe oo ragga jooga ay cut-kooda ku leeyihiin lacag kasta oo lagala baxayo iyo guud ahaan lacagta laga xaday Bankiga sidii looga daba tegi lahaa, maadaama la geliyey guryo, hoteello, maqaayado, iyo wixii la mid ah. Haddii hantidaas la soo celiyo, waxaa la awoodi doonaa in la bixiyo biilka shaqaalaha dowladda oo xaqoodii la cunay afartii sano ee la soo dhaafay (2012-2016).

Soomaaliya ha noolaato.

W/Q: Maxamed Xaaji Ingiriis

Mohamed Haji Ingiriis wuxuu shahaadada PhD ee taariikhda iyo daraasaadka Afrika ka diyaariyaa Jaamacadda Oxford, isagoo ku taqasusaya mawduuca dowladnimada iyo qaran burburay dib u dhiskiisa. Wuxuu kaloo cilmi-baare ka yahay Jaamacadda King’s College London. Waxaa lagala xiriiri karaa: ingiriis@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com