Xilligii la qaadi lahaa kiiska dacwadii badda Somalia oo la gaaray (Goorma?)

Waxaa loo ballansanyahay Dacwadii dhul baddeedka Soomaaliya oo eey Kenya sheegatay oo aad shax-sawir ahaan aad hoos ka arki kartaan.

Waxaa si public ah loo dhegeysan doonaa doodaha labada dowladood waa Teena Soomaaliya iyo tan Kenya e.

Dacwad dhegeysigu wuxuu kaliya ku saabsanaan doonaa diidmadii ey dowlada Kenya ka biyo diiday in arinka badda lagu dhameeyo Maxkamada, soona gudbisay 7 October 2015 diidmo horu dhac ah.

Maxkamaduna iyadoo dhowreysa xerarka ama Article 79, farqada 5aad ayey hakisay sii wadaistii dacwada sidii caadiga aheyd ee la filayey in ey u dhacdo.

Dowlada Soomaaliya oo laga codsaday in ey soo gudbiso waxa ey ka qabto diidmadaas hor u dhaca aheyd ee Kenya soo gudbisay iyana waqtigii loogu talo galay ayey uga jawaabtay oo ahaa 5 ta February 2016.

Sidaa awgeed, maalinta Isniinta ah ee soo socota taariikhduna ku beegantahay 19ka September ayey bilaabaneysaa dhageysiga ku saabsay sababta ey Kenya u diiday in lagu xaliyo Caseka Maxkamada, iyo cadeymaha ey sheeganeyso oo eey u cuskaneyso inaan Maxkamada lagu dhameyn arinta ee si hoose ey 2da dowladood uga xaajoodaan.

Halka Dowlada Soomaliyana ey mid taa liddi ku ah oo ah in dacwada Maxkamada lagu dhameeyo iyo cadeymaha ey u cuskaneyso laga dhowri doono ama in ey Kenya ku raacdo.
Jadwalka dhageysiga dacwada waa sidaaan:

Wareega 1waad ee dhegeysiga dooda
Monday 19 10 a.m.-1 p.m.: Kenya
Tuesday 20 10 a.m.-1 p.m.: Somalia

Wareega 2aad ee dhegeysiga dooda.
Wednesday 21 4.30 p.m.-6 p.m.: Kenya
Friday 23 10 a.m.-11.30 a.m.: Somalia

#FG: Waqtiga loo qabtay cidda dooneysa in ey ka qeyb gasho dhageysiga dacwada sida (Diplomaciyiinta, Wariyayaasha, IWM) waa caawa saqda dhexe 15ka September, 2016 (Waqtiga Maxkamada Hegue).

Waxaan Alle ka baryayaa in uu Guul iyo Gobonimo naga siiyo dacwadaas.

Mahadsanidiin.

#SoomaaliyaHaNoolaato Iyadoo Xor Ah

W/Q: Mohamed Midnimo