Xassan Sheekh oo soo saaray digniin culus oo uusan horay usoo saarin

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay digniin kasoo saaray Kacdoon lagu dumiyo Nidaamka Dowladnimada ee Dalka ka jira.

Xassan Sheekh waxa uu sheegay inay jiraan dhinacyo aan dooneynin nabadda iminka ka jirta Somalia, kuwaasi oo uu sheegay inay sabab u noqon karaan in dalka uu ka dhaco Kacdoon.

Waxa uu Xassan Sheekh sheegay in Kacdoon ka dhacaa dalka ay sabab u noqon doonto in dalka uu dib ugu laabto dhowrkii sanno ee lasoo dhaafay.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inaanu ka raali noqon doonin in shacabka laga jiheeyo nidaamka iyo xasiloonida ay heystaan, isla markaana loo jiheeyo nidaam darro aan lagu gaari doonin xasilooni.

Xassan waxa uu sheegay in shacabka oo la kiciyo isla markaana loo sheego wax aan jirin laga dhaxli karo dhibaato sii dheeraata, waxaana uu xusay in wadajir loo ilaaliyo Nidaamka Dowladnimo ee Dalka ka jira.

”Waxa ay DFS iyo Shacabkeeda hadda hayaan wadadii Dowladdnimo, marka ma ahan in aan Gacanteena ku dumino, waayo waxaa la xasuustaa waxii laga dhaxlay Dowladdii dhexe ee Dalka”

Dhinaca kale, Xassan Sheekh waxa uu shacbiga Soomaaliyeed ugu baaqay inaanu qaadan kacdoonka lagu qalqaalinaayo inay ku ridaan dowladooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com