Sheekh Shariif oo Muqdisho ku gowracay geelashii lagu gorfeyn lahaa qaabka Ololihiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed ooku sugan magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ayaa goordhow bilaabay inuu qaabilo Siyaasiyiinta ka tirsan Xisbigiisa iyo kuwo kale oo garab ku siinaaya ololihiisa doorashada.

Shaqsiyaadka uu Sheekh Shariif ku qaabilaayo Hooygiisa ayaa waxaa kamid ah Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowlada uu wakhtigeedu dhamaaday, waxaana sidoo kale wehlinaaya mas’uuliyiin horay ula soo shaqeeyay dowladii KMG aheyd.

Sheekh Shariif oo loolan adag kula jira Madaxweynaha uu wakhtiga ka dhamaaday, ayaa bilaabay in mas’uuliyiinta uu qaabilaayo ku sooro xoolo dhowr ah oo uu u bireeyay.

Sheekh Shariif ayaa la sheegay inuu bireeyay ilaa Afar Geel oo uu ugu tallo galay xubnaha qeybta ka ah Siyaasada Somalia, kuwaasi oo uu ka heysto garabka ugu weyn marka loo eego ololaha socda.

Sidoo kale, Sheekh Shariif waxa uu qaabili doonaa Xubnaha Beesha Caalamka ka jooga magaalada Muqdisho kuwaasi oo iyaga Siyaasad ahaan aad ula dhacsan ololaha Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Geesta kale, Sheekh Shariif ayaa lagu wadaa in gudaha Asbuucaani uu ku dhawaaqi doono Musharaxnimadiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com