Xog: Xasan oo cabsi saa’id ah ka qaba arrin saanteeda ay muuqato

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia ee uu wakhtiga ka dhamaaday Xassan Sheekh Maxamuud ayaa walaac gaara ka muujiyay in magaalada Muqdisho ay ka dhacaan dibadbaxyo isaga looga soo horjeedo.

Madaxweynaha ayaa waxa uu ka cabsi qabaa in Dibadbaxyadaasi ay u adeegsadaan dhinacyada mucaaradka ku ah kuwaasi oo waayadaani danbe faraha kula jiray diyaarinta dibadbaxyo qarka looga tuuraayo Xassan iyo Dowladiisa ee uu wakhtiga ka idlaaday.

Dibadbaxyada aadka looga cabsi qabo ayaa ah kuwa ay abaabulayaan Musharaxiinta kuwaasi oo suuragalinkara in dhibaato hor leh ka dhaco dalka.

Wararku waxa ay sheegayaan in Xassan Sheekh uu diyaariyay ciidamo isaga u gaar ah kuwaasi oo uu kaga gaashaamanaayo wixii lidi ku ah Dowladiisa ay wakhtiga ka dhamaatay.

Waddooyinka qaar ee aan ciidamada ka howlgali jirin ayaa waxaad ku arkeysaa ciidamo kuwaasi oo qeyb ka ah kuwa uu diyaarsaday Xassan Sheekh.

Xassan Sheekh ayaa goor sii horeysay ka digay in la sameeyo dibadbaxyo ka dhan ah Dowladiisa, waxa uuna si dadban u sheegay inay jiraan qaar kamid ah Mucaaradka oo abaabulaaya Kacdoono.

Arrintaani walaaca uu ka qabo Xassan Sheekh ayaa kusoo beegmeysa xili magaalada Muqdisho ay kusoo qulqulayaan Musharaxiinta kuwooda ugu shacbiyada badan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com