Guddiga doorashada Galmudug oo billaabay qeylo dhaan cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan la filaayo in si toos ah loo guda galo Barnaamijka xulista Xildhibaanada cusub ee ka imaan doona dhanka Galmudug, ayaa waxaa arrintaasi baaq kasoo saaray Guddiga Doorashooyinka Maamulka Galmudug.

Guddiga ayaa ku baaqay in si dhaqsi leh ay Odayaasha iyo Ergooyinka xuleysa Xildhibaanada kusoo gaaran magaalada Cadaado.

Guddiga ayaa sheegay in ujeedka baaqa uu yahay sidii lagu soo afmeeri lahaa dadaalka lagu soo xulaayo Xildhibaanada cusub, bacdamaa uu wakhtigu yahay mid cariiri ah.

Yuusuf Maxamed Maxamuud oo ah Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Guddiga uusan qaadan doonin eedii ka imaada dib u dhaca Ergada, waxa uuna tilmaamay in Odayaasha Dhaqanka iyo Ergada xulista maalmo kooban kusoo gaaran magaalada Cadaado.

Afhayeenka waxa uu sheegay in Guddiga ay soo afmeerayaan dadaalkooda, sidaa darteedna loo baahan yahay in la guda galo Howlaha Doorashada Galmudug.

Magaalada Cadaado ayaa waxaa si xowli ah uga socda dadaalada lagu dhisaayo Xildhibaanada waxaana lasoo sheegayaa in iminka ay meel wanaagsan marayaan dhammaan howlahaasi.

Docda kale, Odayaasha iyo Ergada qaar ayaa iminka ku qulqulaaya magaalada Cadaado, balse waxaa la sheegayaa inay maqan yihiin qaarkood.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com