War cusub oo laga soo saaray xukunka dhalinyaradii ku xirneyd India

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dib u dhac ku imaaday Maxkamadeynta dhalinyarada Soomaalida ee ku xiran dalka India kuwaasi oo tirro ahaan kor u dhaafaaya 50.

Dhalinyaradaani oo loo heysto dacwad ku aadan Burcadbadeednimo, ayaa waxaa lagu waday in lasoo taago Maxkamad ku taalla Magaalada Labaad ee ugu weyn Dalka Hindiya ee Mumbai.

Dhalinyarada maanta laga sugaayay Maxkamada ayaa waxa ay tiradooda guud tahay 117, waxaana Dowladda Hindiya ay sheegtay in mudo labo todobaad ah ay dib u dhigtay Maxkamadeyntooda.

Dhalinyarada ugu danbiga adag ayaa gaaraya ilaa 50, halka kuwa kale ay Maxkamadeyntoodu tahay mid fudud, marka loo eego kuwa kale.

Dhalinyaradaani ayaa waxaa gacanta ay u galeen ciidamada Badda India inta u dhexeysa sanadaha 2011 illaa 2012-kii.

Garsooraha Maxkamada ayaa ku doodaaya in dhalinyaradaasi ay qirteen inay ahaayen Burcadbadeed, sidaa aawgeedna ay gudan doonaan wixii xukun ah.

Dowlada Somalia, ayaa caga jiid ka muujineysa wax ka qabashada dhalinyarada ay ku cayaareyso India.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com