Axmed Madoobe oo carro afka jabsaday kadib markii laga faafiyay…

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa si adag uga hadlay warar lagu faafiyay qaar kamid ah warbaahinta dalka, kaasi oo ahaa in maamulka uu wax ka ogaa Weerarkii Arbacadii la soo dhaafay Mareykanku uu ku qaaday Saldhigga Ciidamada Galmudug ee Degaanka Jeexdin ee Gobolka Mudug.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa waxaa lagu beeniyay wararka sheegaya in maamulka uu ogaal u lahaa weerarkaasi.

Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Axmed Madoobe ayaa waxaa lagu cadeeyay in maamulka uu ka madax-banaan yahay hadalka la faafiyay waxa uuna carab dhabay in Jubbaland aysan jirin cadaawad kala dhexeysa Galmudug oo heerkaasi gaarsiisan.

Qoraalka ayaa waxaa lagu beeniyay in Jubbaland ay Taageertay Duqeynta lagu dilay Ciidamada Galmudug si la mid ah sida Puntland ay u Taageertay Duqeyntaasi.

Afhayeenka Jubbaland C/naasir Seerar ayaa Magaalada Kismaayo Warfidiyeenka ugu Akhriyay Warka ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Jubbaland.

Dowladda Mareykanka ee Saldhig Ciidan oo ay ka qaadaan Weerarada ay ka Fuliyaan qeybo ka mid ah Koofurta Somalia waxaa ay ku leedahay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo.

Jubbaland ayaa iska fogeysay wararka sheegaya inay ku lug leedahay Duqeynta Gobolka Mudug.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com