Ruusha oo kashifay sir badan oo uu ka hayay dowlada Mareykanka

UK (Caasimada Online)-Dowlada Ruushka ayaa daaha ka rogtay in dowlada Mareykanka ay naas-nuujineyso maleeshiyaadka kasoo horjeeda dowlada Syria oo xiriir soo jireen ah uu kala dhexeeyay Ururka Al-Qaacida.

Dowlada Ruushka waxa ay faramuuqday in taageerada uu Mareykanku siiyo Jihaadiistayaashaasi Syrianka ah ay u taageeraan qaabab xeeladaysan.

Dowlada Ruushka waxa ay sheegtay inay garwaaqsan tahay in Mareykanku uu dhaqaalaha ugu badan ku bixinaayo Xagjiriinta Syria.

Mr Sergei Lavrov oo ah Wasiirka arrimaha dibedda Ruushka, oo wareysi siiyay Idaacadda BBC-da ayaa sheegay in Maraykanku uu ku guul dareystay inuu kala sooco kooxaha hubeysan ee dhex-dhexaadka ah ee uu isbaheysiga la leehay iyo kooxdan horay loo oran jiray Al Nusra ee xiriika la lahayd Al- Qaacidda.

Mr Lavrov wuxuu sheegay in arrintasi ay is hortaagtay rajadii laga qabay xabbad-joojinta.

Wasiirka arrimaha dibedda wuxuu intaasi ku daray inuu tuhunsan yahay in sababta uu Maraykanku u bari yeelayo Nusra ay tahay inuu rajo ka qabo in mustaqbalka uu si uun u istcimaalo kooxdaasi.

Caasimada Online
Xafiiska UK
Caasimada@live.com