Shaqo furan: Caasimada Online oo raadineysa Suxufi Cameraman ah

Ma duubtaa muuqaallada, ma tahay suxufi jecel in inta badan uu duubo, dadweynahana usoo bandhigo waxyaabaha xiisaha leh, haddii jawaabtaadu haa tahay? Ka iibso muuqaalladaada Caasimada Online, kuna soo bandhig.

Caasimada Online waa website-ka ugu akhriska badan website-yada Soomaalida, waxaana bil walba lasoo booqdaa saddex milyan oo jeer. Waxaan sidoo kale bogga facebook ku leenahay taageerayaal ka badan 115,000.

Waxaan raadineynaa qof hindise iyo fikrad fiican leh oo noo soo dira muuqaallada. Ma ahan muuqaalo dhaadheer waxaan dooneynaa ugu badnaan 10 daqiiqo, halkii video-ba.

Waxaan dooneynaa suxufi fikrad wanaagsan oo tagi karaa goobaha xiisaha leh, soo qaban kara sheekooyin aad loola dhaco, soo raadin kara waxyaabaha yaabka leh ee magaalada ka jira. Soo duubi kara waxyaabaha cusub ee magaalada kusoo kordha.

Haddii aad daneyneyso inaad nala shaqeyso, fadlan nagala soo xiriir caasimada@live.com

FG: Waxaan dooneynaa iminka qof jooga Muqdisho, dib ayaan kasoo sheegi doonnaa magaalooyinka kale, insha allah.

Caasimada Online