Sawirro: Askartii Galmudug uga dhaawacantay duqeynta oo Muqdisho laga soo dajiyay

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia lasoo gaarsiiyay qaar kamid ah Askartii maamulka Galmudug uga dhaawacantay duqeyntii ka dhacday Bariga Gobolka Mudug.

Diyaaradii lagu keenay Askartaasi ayaa waxaa la socday Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug kuwaasi oo sheegay in dhaawacyadu ay yihiin kuwo isugu jira dhaawacyo culus iyo kuwo fudud.

Askarta qaar ayaa la sheegay in oogadooda ay ka buuxaan firiro ka dhashay duqeynta, halka qaarna ay yihiin kuwo ka jajabay xubnaha jirkooda qaar.

Galmudug ayaa sidoo kale Mareykanka ugu baaqday inay raali galin ka bixiso wixii ka dhacay duleedka magaalada Gaalkacyo.
dhaawac-1

dhaawac-2

dhaawac-3

dhaawac-4

dhaawac-5

dhaawac-6
dhaawac-7

dhaawac-8

dhaawac-9

dhaawac-10

dhaawac-11

dhaawac-12