Muqdisho (Caasimada Online)-Digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa lagu magacaabay General Maxamed Maxamuud Saney.
Madaxweynaha ayaa waxa uu General Maxamed Maxamuud Saney u magacaabay Taliyaha qaybta 12-ka April ee Ciidanka Xooga Dalka.
Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha, ayaa xilkaasi looga qaaday General Maxamed Maxamuud Xasan (Qaafow), oo xilkaasi soo haayay labadii sano ee ugu dambeysay.
Sidoo kale, Qaafow oo ah Taliyaha xilka laga qaaday iyo General Maxamed Maxamuud Saney oo xilkaasi loo dhiibay ayaa deegaan ahaan ka soo jeeda Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxayna ku dhow yihiin Madaxweyne Xasan.
Dhanka kale, Isbedelkaani ayaa waxa uu saameyn doona dhowr Saraakiil oo ka tirsan Ciidamada Xooga dalka iyo Booliska, iyadoona ay Madaxweyne Xassan horyaalan Liisaska Saraakiil badan oo la doonaayo in leysu bedelo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com