28.5 C
Mogadishu
Monday, April 13, 2026

Xasan Sheekh iyo R/W CCC oo kulmay iyo tanaasul laga sammeeyey wasiirada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in halkaasi ay kulan muhiim ah ku wada qaaten Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul wasaaraha dalka Cumar Cabdirashiid Cali.

Kulanka ayaa ahaa mid labada Mas’uul ay uga talaabayeen Khilaafyada cusub ee ka dhashay hanaanka lagu magacaabayo Wasiirada Cusub, waxaana la soo sheegayaa in kulankaasi uu qaatay ilaa 2-saac oo xiriir ahaa.

Dood dheer kadib Inta uu kulanka socday, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ogolaaday inuu ka tanaasulo qaar ka mid ah saaxibadiis uu xilka u raadinayo, si xal loo gaaro.

Illaa iyo hadda ma cadda kuwa ay yihiin xubnaha uu Xasan Sheekh ka tanaasulay.

Wararka ayaa intaa kusii daraaya in Xildhibaano ay kamid yihiin Jeesow iyo C/raxmaan Xoosh Jibriil iyo Madax kale oo horey Xilal uga soo qabtay Xukuumadihii hore lagu soo darayo golaha Wasiiradda Cusub. Labadan xildhibaan ayaa kaalin weyn ku lahaa riditaankii ra’iisul wasaare Cabdi Weli.

Wararka ayaa sheegaya in la filayo in wasiirada cusub lagu dhawaaqo toddobaadkan gudihiis.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News