Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo xog-ogaal ah oo ka tirsan Xafiiska ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali, ayaa sheegay in Xildhibaano ka tirsan DF Somalia ay warqad ay kaga hadlayaan Khilaafka cusub ee ka dhex taagan Xasan iyo Cumar ay u gudbiyeen Xafiiska ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Arrimaha Somalia.
Ilo wareedka ayaa hoosta ka xariiqaya in warqadahaasi ay ka koobnaayen ilaa Afar warqad oo ay Xildhibaanada uga faalooden bilowga Khilaafka cusub iyo inay isku fahmi la’ yihiin qaabka Wasaaradaha loo qeybinaayo.
Waxa ay ay Nicholas Kay u sheegeen in madaxweyne Xasan Sheekh uu mar kale faraha kula jira howsha ra’iisul wasaaraha, taasina ay tahay mid aan la aqbali karin.
Dhinaca kale Nicholas Kay ayaa la sheegay in warqaddaas kadib uu Madaxweyne Xasan iyo Cumar Cabdirashiid, ka codsaday inay deg deg isku afgartaan iskuna raacaan golaha wasiirada cusub.
Nicholas Kay ayaa la sheegayaa inuu kulamo la qaadan doono labada Mas’uul ee la sheegay inay isku fahmi la’ yihiin qaabka loo xuli lahaa Golaha Wasiirada, waxaana la filayaa in Nicholas Kay uu kala hadli doono sidii xal looga gaari lahaa Isfahan waaga ka hor inta uusan Khilaafka sii baahin.
Khilaafka ayaa bilowday kadib markii Madaxweyne Xasan uu Ra’isul wasaaraha dalka u gudbiyay tiro shaqsiyaad uu kusoo kala qoray Wasaarado muhiim ah isaga oo aan la tashiyo la sameyn R/W CCC.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

