“XASAN SHEEKH waxa uu madaxweyne u yahay wasiirada iyo inta ku dhex nool VILLA SOMALIA”

Muqdisho(Caasimada Online) – C/raxmaan Xusein oo kamid ah Ganacsatada Soomaalida ee sida aadka ah looga yaqaan gayiga Somalia, ayaa si caro leh uga hadlay dhacdadii ka dhacday Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

C/raxmaan waxa uu sheegay in shaqsi ahaantiisa uusan garankarin cida madaxweynaha ka ah Somalia iyo cida madaxweynaha loo yahay waxa uuna carab dhabay inuu ogyahay in Xassan Sheekh uusan aheyn Madxaweynaha dalka balse uu baadi goobi doono cida Somalia ka madaxda ah.

”Waan hubaa in Xassan Sheekh uusan madaxweyne ka aheyn Somalia, waxaan dib ugu laabanayaa maskaxdeyda waana kasoo jawaabi doonaa cida ah. waayo dunida kama dhicin madaxweyne shacabkiisa iska ilaalinaayo iskuna ilaalinaayo”

”Xassan Sheekh waan ka hor cadeynayaa inuusan laheyn damiir naxa, kuma haboono in intaa iyo wixii ka badan uu dalka kasii taliyo, waayo malaha damiir xitaa uu ugu laab qaboojiyo shacabka masiibada ku habsato, waxa dadka loo laaynaayo waa isaga aawgii”

”Ma dhicin in maalin qura uu booqdo goob uu ka dhacay Qarax oo lagu xasuuqmay, ma garankaro danta uu la leeyahay umadda uu madxaweynaha u yahay”

”Koley aniga iyo carruurta aan dhalay iyo kuwa ila dhashay uma aha madaxweyne shaqsi noocaasi ahna uma qalma balse waa arrin u taalla Soomaalida kale ee madaxweynaha mooda Xassan Sheekh”

C/raxmaan Xusein waxa uu shacabka Soomaaliyeed uga digay in shaqsi waliba oo aan mudneyn in xil loo dhiibo ay u taageeran qaab qabiil.

Dhanka kale, C/raxmaan Xusein waxa uu madaxweyne Xassan Sheekh ugu baaqay inuu iska casilo xilka uu u hayo Umadda Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com