“Xasan Sheekh wuxuu u sixran yahay Cabdi Weli Gaas iyo Axmed Madoobe” Sidaas waxaa yiri…

Muqdisho (Caasimada Online) – Nabadoon C/llahi Xassan oo kamid ah Nabadoonada ku nool magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Madxaweyne Xassan Sheekh uu ka talaabaayo shuruucda Siyaasada.

C/llahi Xassan waxa uu sheegay in marnaba uusan arag madaxweyne go’aan la’aan ah islamarkaana aysan ka go’in wax tallo ah.

Waxa uu C/llahi Xassan sheegay in madaxweyne Xassan uu siyaasadiisa oo idil kusoo kooban raali galinta C/wali Gaas iyo AxmedMadoobe, waxa uuna farta ku goday inaysan qaadan doonin in xuquuqda beelaha dega muqdisho lagu raali galiyo beelo kale.

”Aniga maba qabo in Xassan Sheekh intaan kabadan lagu sii hayo kursiga, waayo wanaaga uu sameynaayo waxaa kabadan dhagarta u qarsoon, siyaasadiisa waxa ay kusoo koobantay Gaas iyo Axmed Madoobe”

”Xassan Sheekh isagaa madaxweyne ah waxaa looga baahan yahay inuu adeegsado sharciga iyo awoodiisa, go’aan ay wada qaatan Gaas iyo Axmed Madoobe micnuhu maaha in Somalia ay burbureyso”

C/llahi Xassan waxa uu ka digay in Siyaasada Somalia loo gacan galsho labadaasi mas’uul waxa uuna ku taliyay in wadatashiga doorashada dalka ee 2016-ka aan laga weecin nidaamka 4.5.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com