Xog: Maxaa laga filayaa shirka madasha qaran?!!

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda Dowladda Federalka iyo kuwa Maamul-gobaleedyadda haatan dhisan ayaa waxa u bilowday Shir ay kaga doodayaan Nidaamka Dowladeed ee la dhisi doono iyo Qaabka lagu soo dooran karo.

Shirka Wada-tashiga Qaranka ayaana ah bilow aad u wanaagsan, maadaama ay Hoggaamiyayaasha Heerka Qaran iyo kuwa Heerka Gobal hal madal kaga tashanayaan Nidaamka lagu hagi doono Qaranka marka la gaaro bisha August ee sannadka soo socda.

Madaxda waxaa u cad Hir Siyaasadeed iyo Damac Khaas ah, waxayna si il-duufsi leh u hareer marayaan arrimaha Asaaska u ah Ka-hadalka Qoddobkaasi.

Xaqiiq ahaan, Shirar ujeedo badan ah ayaa ka kala socda magaalladda Muqdisho iyo caasimadda dalka Jabuuti, iyadoo Shirka Muqdisho diiradda lagu saarayo Nidaamka Doorashadda iyo Qaabka Dowladda soo socota, halka Shirka Jabuutina lagu eegayo Saami-qeybsiga Kheyraadka dalka.

Carabta waxay ku maahmaahdaa qofkii hal mar isku fuulo labo faras dubarka ayuu ka waaxmaa, taasi waxaa la mid ah Shirarka ka kala socda Muqdisho iyo Jabuuti oo mid yahay Waaqiciga Taagan iyo mid Mustaqbal aan la gaarin, oo u eg sidii Sheekadii Lacalla.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in loo baahan yahay in marka hore Xal-dhexe laga gaaro Nidaamka Dowladda iyo Awood-qeybsiga Xilalka Qaranka, markaasi kadib in laga fekero Ajendayaasha muhiimka ah, iyadoo Qorshaha Kheyraad-qeybsiga imaan karo marka la helo Somali Nabad ah, mideysan oo isku Mowqif ah.

Qoddobadda haatan miisaanka saaran ayaa ah Nidaamka ay noqon doonto Dowladda soo socota iyo qaabka ay Doorashaddu u dhacayo.

Dhowr Kala-doorasho (Options) ayaa miiska saaran si la isugu raaco Nidaamka Doorashadda iyo Awood-qeybsiga Xilalka Qaranka, waxayna Madaxdu kala taageersan yihiin in Nidaamka Doorashadda noqoto:

Doorasho Nidaamka Awood-qeybsiga haatan jira ee 4.5 ama
Doorashadda Degmooyinkii jiray Xilligii Dowladda Kacaanka.

Xaqiiq ahaan, Labadaasi Ra’yi ayaa lagu kala dhegan yahay, inkastoo loo badan yahay in lagu sii dhaqmo Nidaamka ay Dowladda Federalka iyo Dowladihii KMG ku dhisnaayeen ee 4.5

Nidaamkaasi waxa uu dhiig-joojin u ahaa Daruufihii xilligaas lagu sugnaa, inkastoo weli ay jirto baahida khasbayso in lagu sii tisqaado Nidaamka 4.5.

Xaqiiq ahaan, Nidaamkaasi waxaa loo qaatay si Xal loogu helo Khilaafyadda Ummadda kala gaaray, waxayna Nidaamka 4.5 qeyb ka tahay Tallaabooyinka Dib-u-heshiisinta iyo Dib-u-mideynta Beelaha Soomaaliyeed.

Siyaasiyiinta Dowladda Dhexe iyo kuwa Maamul-gobaleedyadda waxay u muuqdaan inay culayska ugu muhiimsan saareen Nidaamka Doorashadda, balse uma muuqdaan kuwo ka hadlayo Dedejinta Maamul-gobaleedyadda dhismi doono, Aqoonsiga kuwa weli magac ahaanta u taagan iyo sidii loo wajahi lahaa in Walaalaha Somaliland laga gar baxo, laga raalli-geliyo Qoddobadda ay gocanayaan, kadibna lagu sharfo inay Kaalintooda ka qaataan Waayaha Soomaalida cusub, Federalismka iyo Midnimadda Qaranka.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa habboon in aysan Madaxda Qaranka iyo kuwa Heerka Gobalka waqtiga ku luminin inay wada laacaan Doodaha ku aadan Figta Sare ee Nidaamka doorashadda oo keliya, balse waa in la tixgeliyo Taabagelinta Maamul-gobaleedyadda dhismayo iyo Maslaxadda Dhamaystiran ee Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com