Muqdisho (Caasimada Online) – Xoogaga Midowga Afrika, ayaa gelinkii dambe ee maanta 10 qof ku dilay duleedka Magaalada Muqdisho, ka dib markii ay gaari dulmarsiiyeen gaari hoomey/caasi ahaa, oo dad rayid ihi ay saarnaayeen.
Gaarigan oo rakaab ka soo qaaday Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose, kuna wajahnaa Magaalada Muqdisho, ayaa baabuurta Amisom waxay ku jiireen Deegaanka Calamada, oo ku yaala wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.
Goobjooge, ayaa sidaan sheegay “Dadkan waxay ahaayeen dad rakaab ah oo saarnaa gaari caasi, oo ka yimid Degmada Afgooye, waxayna ku sii jeedeen Magaalada Muqdisho.”
Goobjoogaha, ayaa yiri “Kolonyo ay wateen Ciidamada Amisom iyo gaarigii rakaabka ayaa ku kulmay wadada Calamada. Xilli Ciidamada Amisom ay ku sii jeedeen Degmada Afgooye.”
Wuxuu intaa ku daray “Gaarigii 1-aad ee Amisom ayaa dulmaray caasigii. Waxaa goobtaasi ku dhimatay 10 qof, rakaabkii kale ee gaariga saarnaa ayaa noqday wax jajaba. Ciidamada Amisom gadaal uma soo fiirin dadkaasi, socodkoodii ayay iska sii wateen.”
Milkiilaha gaariga ay jiireen Ciidanka Amisom, ayaa si kulul Ciidanka Amisom ugu eedeeyay in si bareer ah ay u laayeen dadkaasi rayid ah, isla-markaana ay horey socodkoodii u sii wateen.
Saalax Xuseen Cali, ayaa sheegay in dhibanayaasha loo daad-gureeyay Isbitaalka Madiina, halkaasoo xaaladoodu lagula tacaalayo dadkii dhaawacyada halista ah soo gaareen.
Tacadiyada Amisom ku hayso bulshada Somaliyeed, ayaa muddooyinkii ugu dambeysay isa soo taraayay, mana jirto cid si adag ugala xisaabtanta waxyeelaynta shacbiga Somaliyeed.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

