Xayiraddii DF Soomaaliya oo Kenya ku qasabtay inay waddamo kale u weecato

Nairobi (Caasimada Online) – Wasaaradda ganacsiga Kenya ayaa shaacisay inay qorsheynayso inay suuqa dhoofinta qaadka u rarto saddex dal oo cusub, xili ay beeraleyda dalkaas ay quus ka muujiyeen suuqii ugu weyna ee Soomaaliya, oo xiisada xoogan kala dhaxeyso xukuumadda Nairobi.

Xoghayaha guud ee wasaaradda, Johnson Weru ayaa sheegay inay wasaaradu qorsheynayso inay qaadka Kenya u dhoofiso dalalka Jabuuti, Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Congi iyo Mozambique, kadib cadaadis xoogan oo ay qaadleyaasha Kenya saareen dowladda.

Weru ayaa kulan la qaatay dhamaadka toddobaadkii hore wafdi ganacsato ah oo uu hogaaminayo gudoomiyaha gobolka Meru Kiraitu Murungi, kuwaasi oo walaac ka muujiyey suuq xumada soo food saartaya ganacsada qaadleyda.

“Waxaan helnay codsi ka yimid beeraleyda waxaana la shaqeyn doonnaa adeegeena diblomaasiyadeed si aan wada-hadal ula furno Jabuuti, DR Congo, Mozambique iyo wadamada kale ee Africa. Maamulka gobolka waa inuu abaabulaa beeraleyda si ay uga shaqeeyaan shuruucda wadamada aan la ganacsanayno” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu xusay in hirgelinta suuqyda cusub ay soo dhamaan doonaan bisha Maarso ee sanadka soo socda, kadib marka ay wasaaradu ka keento warbixino.

Wasaaradda Ganacsiga ee Kenya ayaa qorsheyneysa inay raadiso seddex suuq oo cusub oo loo dhoofiyo khaatka iyadoo khilaaf diblomaasiyadeed uu dib u dhac ku yimid soo kabashada suuqa ugu weyn Soomaaliya.

Ganacsatada Kenya ayaa tan iyo markii dowladda federaalka ay joojisay Qaadka wajahayey suuq xumo weyn, iyaga oo sheegay inay waayeen kumanaan kun oo doolar maalintii kasoo geli jirtay qaadka ay usoo dhoofiyaan dalka.

Arrintan ayaa noqoneysa mid dowladda Kenya ay ku rabto inay ku yareyso cadaadiska uga imaanaya ganacsatada qaadka, oo suuqooda ugu weyn uu aha Soomaaliya oo xiligan xiisad xoogan kala dhaxeyso xukuumada Nairobi.