Sawirro: Ciidamadii ay DF geysay xuduudda Beled-Xaawo oo hub loo qeybiyey

Beledxaawo (Caasimada Online) – Ciidamo nooc cusub ah oo isniintii ay dowladda Soomaaliya ka dejisay garoonka Doolow ee Gobolka Gedo ayaa loo qeybiyey hub, waxaana loo daabulay degmada Beledxaawo ee Xuduudka Soomaaliya iyo Kenya.

Ciidamadan oo dareyskoodu ka duwan yahay ciidamada kale, isla markaana ku lebisan dhar cagaaran ayaa wararku sheegeen inay yihiin ciidamadii qarsoodiga ahaa ee lagu soo tababarray dalka Eritrea, waxaana warar kala duwan kasoo baxeen waxa ay ciidamadaasi yihiin iyo qeybta ay hoostagaan.

Hub cusub oo isugu jira qoryaha AK-47, BKM iyo Garneylo ayaa loo qeybiyey ciidamadan, waxaana la geeyay xuduudka Soomaaliya iyo Kenya ee Beledxaawo oo ay ka howlgeli doonaan.

Xiisada ka taagan degmada Beled-xaawo ayaa waxaa la sheegayaa inay qarka u saaran tahay inuu dagaal ka qarxo, waxaana dhanka degmada Mandhere ee xuduudka Kenya abaabul dagaal ka wada Ciidamo uu wato C/rashiid Janan.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo shirkii IGAD ee dalka Jabuuti lagu heshiisiiyay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, oo dib u soo celinaya xiriirkoodii diblomaasi.