Xeer Ilaaliyaha guud ee qaranka oo is-casilay.!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ee Soomaaliya Axmed Cali Daahir, ayaa xilka iska casilay sida ilo xog ogaal ah ay goordhow u sheegeen Caasimada Online.

Xeer ilaaliyaha guud ayaa warqadda is-casilaadda xalay u gudbiyey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu xeer ilaaliyaha u qabtay madaxweynaha illaa 25-ka bishan inuu kusoo magacaabo qofkii isaga beddeli lahaa, uuna xilka sii hayn doono illaa waqtigaas.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta uu Axmed Cali isku casilay, balse wararka qaar ayaa sheegaya inuusan dooneyn inuu qeyb ka noqdo xaaladda siyaasadeed ee kacsan ee dowladda Soomaaliya, ayada oo musuq maasuq baahsan lagu tuhmayo madaxweyne Xasan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com