Galmudug oo digniin culus u jeedisay Puntland

Cadaado (Caasimada Online) – Maamul Goboleedka Galmudug ayaa War-saxaafadeed kulul oo ay soo saartay ku eedeysay maamulka Puntland ee deriska ay yihiin inay taageero dhaqaale iyo hub siiso kooxaha Ahlu-Suna ee ku kacsan maamulkooda, isla markaana qas iyo xasilooni darro ka abuureyso degaanadooda, dagaal sokeeyana ka abaabuleyso degaanka Saaxo ee Gobolka Mudug.

War-saxaafadeedka oo uu ku saxiixnaa madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabey ayaa loogu digay maamulka Puntland inay faraha kala baxdo arrimaha Galmudug.

Hoos ka aqri warsaxaafadeedka

WARSAXAAFADEED-1WARSAXAAFADEED-2