Xog cusub: Odowaa oo damacsan qorshe cusub oo ku aadan maamulka HIIRAAN iyo SH/DHEXE

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaarada arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya ayaa damacsan qorshe cusub oo lagu soo magacaabayo xubnaha gudiga farsamada maamulka loo sameynayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Waxaa wali ismari waa uu ka taagan yahay qaabka beelaha loogu qeybinayo gudiga farsamada maamulka loo sameynayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana wasaarada arimaha gudaha ay dooneysaa iney ka hortagto qaabkii loosoo magacaabay gudigii farsamada maamulka Galmudug.

Xubnaha gudigaasi ayaa markii dambe ka mid noqday barlamaanka maamulka Galmudug iyo madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi, waxaana arintaasi u fududeeyay sida wasaarada ay aaminsan tahay kamid noqoshadii gudiga farsamada.

Wasiir Odowaa ayaa ku qanciyay saxiixayasha  maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe in xubnaha gudiga ay noqdaan 31 xubnood oo gobolka Hiiraan la siiyo 16 ruux halka Shabeelaha Dhexe la siiyay 15 xubnood.

Wasiirka ayaa damacsan in xubnaha gudiga aysan ka mid noqon karin baarlamaanka lasoo xulayo si aysan u dhicin sidii ka dhacday maamulka Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com