Masar oo qorsho cusub ka damacsan SOMALIA!!

Qaahira (Caasimada Online) – Dowlada Masar ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan ay dalka Somalia ka hirgalin doonto Mashaariic lagu hormarinaayo dalka Somalia, iyadoona dhanka kale sheegtay inay ka qeybqaadaneyso Hanaanka lagu nabadeynaayo Somalia.

Saamax Shukri oo ah Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Masar, ayaa sheegay in Dowladiisu ay ka fikireyso hanaanka ay uga qeybqaadan laheyd dib usoo celinta nabada Somalia, waxa uuna cadeeyay in Hanaankaasi uu barbar socdo mid dib u dhis loogu sameynaayo Xarumihii ay Dowladiisu ku laheyd dalka Somalia.

Saamax Shukri ayaa hadalkaasi sheegay xili uu xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday DF Somalia oo howlo shaqo u gaaray Magaalada Qahira ee Xarunta dalka Masar.

Saamax Shukri waxa kaloo uu sheegay in qorshaha Masar ay kamid tahay dib u habeynta Dugsiga Jamaal C/naasir oo noqon doono Minaaradda ama Taawarka Waxbarasho ee ay Masaarida ka fuliyaan gudaha dalka Somalia.

“Masar waxay taageero buuxda la garab taagan yihiin Dowladda Federalka Somalia dadaalka ay ugu jirto Xaqiijinta Hormarinta siyaasadda iyo Dastuurka iyo dhanka waxbarashada”

Waxa uu sidoo kale, sheegay inay taageero ka geysan doonaan Hiigsiga cusub ee Somalia ee sannadka soo socda 2016-ka, si loo dhamaystiro Dastuurka iyo in la qabto Doorashadda Barlamaanka Somalia.

Waxa uu carabka ku adkeeyey inay Dowladda iyo Shacabka Somalia ka taageeri doonaan Maalgashiga iyo la dagaalanka waxa uu ugu yeeray Argagixisadda.

Qorshahaani ay wado Masar ayaa imaanaya xili DF Somalia ay isku mashquulsan tahay, waxa ayna Masar damacsan tahay inay dib usoo nooleyso xiriirka kala dhexeeya Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
Caasimada@live.com