Xeer ilaaliyaha qaranka oo ka walaacsan waxa ka socda Villa Somalia (XOG badan oo uu bixiyey) !!

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Axmed Cali Daahir ayaa aad uga walaacsan qaabka ay DF Somalia u dhaqan galineyso Haanaanka Cadaalada iyo hirgalinta Dowlad u dub dhexeed u ah Umadda Soomaaliyeed.

Axmed Cali Daahir ayaa xiligaani halis ugu jira inuu hakiyo Howlaha uu Dowlada Federaalka Somalia u hayo kadib markii uu sheegay inaysan jirin cid u hogaansan Amarada laga soo saarayo Xafiiska Xeer ilaalinta qaranka.

Waxa uu walaac ka muujinayaa qaabka ay Hantida DF Somalia u dhex daadsan tahay Xafiisyada Dowlada, waxa uuna si gaar ah farta ugu goday Gaadiidka Dowlada oo gacanta ugu jira shaqsiyaad xilal horay uga soo qabtay Dowwladihii KMG iyo Ganacsato xiriir dhow la leh Madaxda ugu sareysa Qarranka.

Waxa uuu sdoo kale ku gacanseeray Codsiyo uu u jeediyay Madxaweyne Xassan iyo Ra’isul wasaarraha Dalka oo uu kaga dalbaday inay la xaaltamaan shaqsiyaadka heysta Hantida oo magacyadooda lagu gudbiyay qoraal.

Inta badan Amarada Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Axmed Cali Daahir oo u taagan hirgalinta Cadaalad ayaan xiligaani ka socon Villa Somalia markii laga reebo tiro xafiisyo ah, waxa ayna taasi soo dadajisay niyad jab hor leh oo soo foodsaartay Axmed Daahir.

Xubin ka tirsan Xafiiska Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya, ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Xeer ilaaliyaha uu qarka u saaran yahay inuu iska casilo xilkaasi kadib markii ay Cabashadiisu ku badatay Xafiiska Madaxweynaha balse aan wax laga qaban.

Waxa ay xubintaasi sheegtay in Xeer ilaaliyaha uu qaati ka taagan yahay Xafiisyada laga dhex maamulo Madaxtooyada waana tan keentay inuu rajo xumi dhanka Cadaalada ah ka muujiyo howshiisa.

Lama Oga go’aanka uu qaadan doono balse waxa ay xogtu tibaaxeysaa inuu ku qalbinaayo in uu iska casilo xilka uu Dowlada Federaalka ah ee Somalia u hayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com