Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo qaaday tallaabo la xiriirta heshiiskii SHIDAALKA

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saaray amar baaris loogu sameynayo heshiiska shidaalka ee Sabtidii uu saxiixay Wasiirka Wasaaradda Batroolka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed.

Heshiiska Shidaalka ayaa waxaa ka horyimid madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, oo uu Wasiirka Batroolka uu sheegay in uu kala socday arrinkaas, sidoo kale waxa heshiiskaas waxba kama jiraan ku sheegay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa maanta amar ku bixiyay baarista heshiiskaas, isaga oo xeer ilaaliyaal u magacaabay arrintaas.

“Waxaan amray, in Xeer ilaaliyaal u Magacaabay si baaris loogu sameeyo talaabada ku haboona loo qaado heshiiskii shidaalka ee uu saxiixay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, iyada oo laga ambaqaadayo baaritaankii hordhaca ahaa ee uu sameeyay Hantidhowraha Guud,” ayuu ku yiri Suleymaan qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Tallaabadan ayaa kusoo aadaysa xili uu shalay Hanti-dhowrka guud ee Qaranka uu dalbadya in baaris lagu sameeyo heshiiska uu saxiixay Wasiirka, sidoo kalena Shaqada laga joojiyo Wasiirka, taas oo keentay in Xelafiiska Xeer ilaalinta Qaranka uu xeer ilaaliyaal u saaro baarista heshiiskaas.

“Waxaa Xafiiska dib-u-eegistaas uga soo baxday in si toos ah loo baalmaray Dastuurka Ku Meel Gaarka ah ee JFS, Sharciga Iibka Qaranka (Sharci Lr. 22 iyo wax-ka-beddelkiisa), Sharciga Batroolka (Sharci Lr. 19) iyo habraacyada dhaqan-galka ah ee dalka, kuwaas oo loo asteeyay in lagu maamulo gelidda heshiisyada caalamiga ah. Taallaabadaas ayaa khatar mug leh ku ah khayraadka ummadda Soomaaliyeed iyo dhawritaanka dhigaalka hantiyeed ee jiilka mustaqbalka,” ayuu lagu yiri qoraalka shalay ee Hanti-dhowrka guud ee Qaranka.

Wasiirka Wasaaradda Batroolka ayaa hore u sheegay in uu wax kala ogaa heshiiska Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas uu ku kacayay 7 Milyan oo doolar, hase yeeshe uu iska fogeeyay Farmaajo.