Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Batroolka ee Soomaaliya ayaa 15-kii bishaan waxay magaalada London heshiis kula gaartay shirkadda Shidaal baarista ee Coastline Exploration Ltd oo iyadu aheyd shirkaddii iibsatay shirkaddii kale ee la oran jiray Som Oil and Gas, taas oo ogolaansho ka heysatay dowladda federaalka Soomaaliya.
Heshiiskaan waxaa xaq loogu siiyey shirkadda inay qaarna sahmiso, qaarna qodis ku bilowdo, ilaa 7 ceel shidaal oo ku yaalla biyaha Soomaaliya ayaa loo saxiixay shirkadda Coastline Exploration Ltd.
Goobta lagu gaaray heshiiskaan waxaa joogay oo heshiiskaan daadihintiisa kaalin weyn ku lahaa Seddex xubnood oo ka socday hey’adda Shidaalka ee Soomaaliya oo aas-aaskeeda muran ku jiray, seddexdaas xubnood qof kamid ah ayaa dumar aheyd.
Heshiiskaan wax soo saar wadaaga ah waxaa laga fulinayaa xeebaha iyo boloogyada gunta hoose ee xeeebaha ku teedsan Galmudug, Koonfur Galbed iyo Jubbaland.
Maamulka shirkadda Coastline ayaa magaalada Muqdisho u yimid inay heshiiskaan saxiixaan Bishii January sanadkii 2021-kii, waa bil ka hor inta uusan dhammaan muddo xileedkii sharciga ahaa ee Madaxweyne Farmaajo.
Balse hey’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa qaadacday qorshaha, kaas oo ay ku sheegeen inuu liddi ku yahay hannaanka deyn cafinta Soomaaliya.
Hal sano in heshiiskii lagu saxiixay meel ka baxsan Soomaaliya ayaa fadeexad iyo qeylo dhaan badan abuurtay, su’aasha ugu badan oo ay dadka is waydiinayaan ayaa ah yaa heshiiskaan gooni u wata ama deni ugu jirtaa?
Wasiirka Batroolka Dowladda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa qoraalkii uu heshiiskaan ku shaacinayey wuxuu raaciyey in madaxweyne Farmaajo uu garab ku siiyey inuu saxiixo heshiiskaan, isagoo taas uga mahadceliyey madaxweynaha, balse waxyar kadib madaxweyne Farmaajo ayaa iska fogeeyey inuu heshiiskaan wax ka ogyahay, isagoo soo saaray qoraal lagu burinayey heshiiska.
Ra’isul wasaare Rooble ayaa isna heshiiskaan iska inkiray oo ku tilmaamay mid sharci darro ah. Saacad kadib Wasiir Cabdirashiid wuxuu la hadlay VOA, isagoo sheegay in Farmaajo la ogaa heshiiskaan, ayna isaga iyo Farmaajo ka wada shaqeeyeen, balse uu Farmaajo dhibsaday falcelinta Baraha Bulshada.
Haddaba maxaa mugdi ah oo ku jira hadalka Wasiirka?
Wasiir Cabdirashiid wuxuu mar ahaa saaxiib si weyn ugu dhow madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Rooble labadaba, waa milkiilihii shirkadda AMECO ee dhismaha oo uu Ra’isul wasaare Rooble ka shaqeyn jiray waqti hore, waxayna ahaayeen laba Nin oo aad saaxiibo u ah.
Sidoo kale wasiirka Cabdirashiid wuxuu saaxiib dhow la ahaa Fahad Yaasiin, balse waxaa naloo xaqiijiyey in wasiir Cabdirashiid iyo Ra’isul wasaare Rooble aysan waayadaan dambe isku fiicneyn, sidaas oo ay tahay Rooble xilka kama qaadin.
Sidoo kale, Wasiir Cabdirashiid iyo kooxda madaxweyne Farmaajo ayaa kala dhintay, kadib markii sida la sheegay Farmaajo iyo Fahad Yaasiin diideen inay Laftagareen ku qanciyaan inuu kursiga xildhibaanka u dhaafo wasiirka.
Kursigii golaha shacabka ee uu ku fadhiyey wasiir Shikhaalow ayaa lagu qaatay Koonfur Galbeed Todobaadkii lasoo dhaafay, weliba jufadiisii maahane jufa kale ayaa la sheegay kursiga iyadoo reerkiisu ay Maalmihii lasoo dhaafay si weyn cabasho uga muujiyeen warbaahinta.
Xogahaan waxay caddeynayaan in wasiirka Batroolka uu waayadii dambe lumiyey cilaaqaadka Labada xafiis ee ugu sareysa Dalka, dadka qaar waxay leeyihiin waxaa macquul ah in wasiirka uu tallaabadaan u qaaday aargoosi siyaasadeed.
Ma jirto shirkad caalami ah oo aamini karta inuu jiro wasiir inta kasoo dhuunta madaxdiisa iska saxiixi kara heshiiska sidaan u weyn, balse siyaasiyiinta Soomaalida wax walba ayaa macquul ka ah.
Inkastoo aan 100% lagu dhiiran karin in madaxda sare ee dalka ka fara maran yihiin heshiiskaan, haddana wasiir Cabdirashiid qoraalkiisa Twitterka iyo hadalkiisa VOA Labadaba waxaa ka muuqatay inuu leeyahay bartilmaameed gaar ah.
Shirkadda la yiraahdo Coastline markii ay shidaalka gaarto waxay raadineysaa maalgeliyayaal caalami ah maadaama halkii xirmo la aaminsan yahay inay u baahan tahay lacag dhowr Boqol oo Milyan oo Dollar.
Khidmada lagu saxiixay heshiiskaan ayaa ku dhici doonta Bankiga dhexe ee Soomaaliya, sidoo kala Dowladda Soomaaliya ayaa heli doonta faa’ida ugu badan ee heshiiskaan wax soo saarka ah sida uu sheegay Wasiir Cabdirashiid.
Balse heshiiskaan ma dhaqan geli karo dhowr sababood awgood:
1) Wuxuu kasoo horjeedaa heshiiska IMF iyo Soomaaliya ee deyn cafinta.
2) is mari waa ayaa ka taagan heshiiska kheyraad wadaaga ee Dowladda Federaalka ah iyo maamul Goboleedyada.
3) Lama meel marin weli sharciga canshuurta Bariga.
4) wuxuu kaloo heshiiskaan khilaafayaa sharci la meel mariyey xilligii xukuumaddii Xasan Cali Kheyre kaasoo dhigaya in heshiisyada Caalamiga ah lagu saxiixo gudaha Dalka. Inta aan heshiiska la saxixiin waa in lasoo marsiiyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda waaxdeeda sharciyada iyo heshiisyada Caalamiga ah si ay u hubiyaan.
Kadib waa in heshiiska loo diraa Garyaqaanka guud ee Dalka isagana waa inuu xukuumadda talo ka siiyo sharci ahaanshaha heshiiska, talada garyaqaanka guud kadibna waa in ogolaansho qoraal ah laga helaa Ra’isulwasaaraha Dalka kadibna waa in heshiiska la hor geeyaa Golaha Wasiirada oo uu wasiirka difaacdaa Danta Soomaaliya ugu jirto heshiiska.
Maadaama uusan heshiiskaan marin dariiqaan waa adag tahay inuu dhaqan galo .
5) Midda Shanaad ee burburineyso heshiiskaan waa inaysan Dalka ka jirin xukuumad sharciyad u heysata inay gasho heshiis noocaan ah maadaama uu Hal Sano ka hor waqtigii sharciga ahaa ka dhacay Xukuumadda Soomaaliya.