Xero lagu dhaqo Geella oo caanihiisa lagu iibiyo oo Muqdisho laga furay

Muqdisho (Caasimada Online)- Ganacsato Soomaali ah ayaa hindistay in magaalada Muqdisho ay ka furaan xero lagu dhaqo Geella.

Geellaaas ayaa la sheegay in maalintii labo jeer laga maalo caano loona iibgeeyo mehradaha cuntada ee magaalada.

Geella oo lagu yaqiin baadiya ayaa hadda waxaa laga heli karaan magaalooyinka waaweyn ee dalka Soomaaliya.

Geel lagu dhaqo magaalada Muqdisho
Geel lagu dhaqo magaalada Muqdisho

Dhawaan ganacsato Soomaali ah ayaa ku fikiray in ay sameeyaan arrin aan Muqdisho horrey loogu aqiin, kaddib markii go’aansadeen in ay Geel ku soo xiraan xaafaddaha Muqdisho ay ka kooban tahay qaarkood, sidda ay uga xaqabtiraan baahida ay u qabaan caano Geel oo saafi ah.

Mahad Axmed iyo saaxibadiis waxa ay xero Geel ka fureen duleedka Muqdisho waxaanaa ay ka mid tahay tobanaan xarumo geel oo dhammaantood loo furay arrimo ganacsi dartood.

“Caano Geel oo saafi ah oo aan laga heli Karin magaalada Muqdisho ayaa nagu dhalisay in caano gee oo saafi ah ama Geel aan magaalada ku xareyno si looga helo maqaayaddaha iyo goobaha muhiimka oo dhan ee ganacsiga si caano geel looga helo.”ayuu yiri Maxamed Axmed.

Tobanaanno halaad ayaa lagu badalaa waqti markii laga keeno dhul daaqsimeed magaalada aan siddaas uga fogeyn.

Labo jeer ayaa la lisaa maalintii waxaana caanahooda lagu iibiyaa hotelada iyo maqaayaddaha waaweyn ee magaalada Muqdisho.

“Geelle nooja waa badan ilaa 300 oo neef ayaa noo joogta oo qayb ay baadiyaha noo jiraan qaybna ay magaalada joogaan, caanaha ilaa 300 oo litir ayaan maalintii ka soo saarnaa” ayuu yiri Mahad.

Caanaha Geelle aad ayaa looga jecel yahay Muqdisho waxaana taasi ugu wacan dad badan oo baadiyaha ku soo koray caano bandanna cabi jiray ay magaalada u soo guureen siddoo kalena Soomaali badan ayaa aaminsan in caanaha dawada ay daawo u yihiin cudurada qaarkood.

Soomaalida waxa ay caan ku yihiin dhaqashada Geella oo caanaha iyo hilibkiisa ay aad u jecel yihiin, waxaana taas ay aad uga muuqataa sugaantooda.

Qoysas badan ayaa carruurtooda u dira baadiyaha si ay caano geel u soo cabaan, waxaana ay aamisan yihiin ilmaha caanaha geelle caba uu ka koorinsho fiican yahay kana xoog badan yahay asaagiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com