Madaxweyne Xasan oo ka qaybgalaya shirweyne muhiim ah oo looga…

Brussels (Caasimada Online)- Magaalada Brussels ee dalka Belgium waxaa ka furmay shirweyne ay qeybgalayaan ku dhawaaq 800 oo ah hoggaamiyaal ka socda Midowga Yurub iyo Midowga Afrika

Madaxda ka qaybgaleysa shirka waxaa ka mid ah madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo isaga iyo wafdi uu hoggaaminaayo ay gaareen galabta Brussels.

Shirkan ayaa si weyn looga hadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin colaadaha, muhaajiriinta sharci-darrada ku safra iyo casbida ka dhalatay qalalaasaha xag-jiriinta.

Shir gaar ah oo 15 hoggaamiye oo Afrikaan ah ay ka qeybgalayaan oo kulanka barbar socda ayaa lagu wadaa in looga wada-hadlo xaaladda dalka Central African Republic.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu kulamo gooni-gooni la qaato madaxda ka qeybgaleysa kulanka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Brussels

Caasimada@live.com