Xildhibaan iska casilay BF Soomaaliya sheegayna sabab yaab leh oo kaliftay

Baladxaawo (Casimada Online)- Xildhibaan Cabdulaahi Maxamed Xirsi oo ku magac dheer Cabdulaahi Qodax ayaa sheegay in uu iska casilay xilkii uu ka hayay baarlamaanka Soomaaliya oo uu xubin ka ahaa.

Isagoo la hadlaayay BBC-da ayuu sheegay in markii uu arkay howsha uu hayo iyo lacagta badan ee uu qaato in aaney isku mid ahayn sidda uu yiri.

Xildhibaanka oo ku sugan Baladxaawo ayaa mar uu ka hadlaayay wax yaabaha ku kalifay in uu iska casilo xilka wuxuu tilmaamay in uu ka mid ahaa dadkii u ololeenayay siddii Soomaaliya ay uga bixi lahayd kumeel gaarka isagoona intaas ku daray in madaxda dowladda aaney diyaar u ahayn in ay wax ka qabtaan xaaladda.

“Waxaan ka mid ahaa dadka jecelaa in Soomaaliya ay ka baxdo KMG ah oo ay hesho xaalad aad u fiican balse arrintaas ma noqon mid suurta gal ah oo madaxda dowladdana diyaar uma ahan in ay wax ka qabtaan xaalada” ayuu yiri Xildhibaan Qoodax.

Waxaa la weydiiyay in xilka uu hayay oo ay u soo xusheegeen beeshiisa in uu kala tashaday, wuxuu ku jawaabay in ay la socdaan oo wax yaabaha ku kalifay ay qayb ka tahay maadama xilka uu hayo la rabo in uu wax ugu qabto beeshiisa.

Xildhibaanka waxaa kaloo uu caddeeyay in lacagta ay qaataan xildhibaannada baarlamaanka iyo shaqada ay qabtaan in aaney is lahayn, wuxuuna xusay in lacago badan ay qaataan balse aaney shaqooyin badan qaban sidda uu yiri.

“Lacagta la siiyo baarlamaanka waxaa laga qaadaa shacabka, marka waa in wax loogu qabtaa balse shaqada aan qabano iyo lacagta aan qaadano wax is leh ma ahan, waana taas mida igu kaliftay in isaga tago xilka” ayuu yiri.

Waa xildhibaankii ugu horreeyay ee si cad ah u sheega in uu iska casilay xilka xildhibaannimo markii uu arkay in uusan waxbo qaban karin.

Casimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com