DF oo amar culus dul dhigtay hay’adaha caalamiga ah ee ka howlgala Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa amar culus dul-dhigtay hay’adaha caalamiga ah ee ka howgalka gudaha magaalada Muqdisho.

Amarkan ayaa la xariira magaca garoonka Adan Cadde, kaas oo la sheegay in uusan ahayn garoonka caalamiga ah ee Muqdisho, balse uu yahay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Warqad ka soo baxday xafiiska wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa lagu wargeliyay dhammaan hay’aduhu inay isticmaalaan magaca saxda ah.

Sidoo kale warqadan ayaa loo diray QM, Midowga Yurub, AMISOM, safaaradaha, shirkadaha duulimaadka iyo dhammaan hay’adaha kale ee degan magaalada Muqdisho.

Ujeedada ayaa lagu sheegtay inay tahay mid lagu weyneynayo magaca Madaxweynihii ugu horreeyay ee dalka Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde).

Ugu dambeyn beesha caalamka ayaa looga dalbaday qoraalkani inay bedasho magaca garoonka caalamiga ah ee Muqdisho, kaas oo weli ku jira warqadaha rasmiga ee la isu diro.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
Caasimada@live.com