XFS oo qorsho cajiiba u diyaarisay amniga Gobolka Banaadir & Ciidamo cusub oo ka qeybqadan doona

Muqdisho (Caasimada Online)-Xukuumada Somalia ayaa shaaca ka qaaday in guud ahaan amniga magaalada Muqdisho ay sugi doonaan ciidamo isku dhaf ah.

Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo ah Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Somalia ayaa sheegay in qorshaha cad ee Xukuumada uu yahay in amniga ay sugaan ciidamada isku dhafka ah.

Khadar oo kormeeray xarun Ciidan oo ku taalla Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in ciidamada ku sugan xarunta ay kaalintooda muuqan doonto wakhti dhow.

Waxa uu tilmaamay in dowlada Federaalka ay ku tashaneyso ciidamada isku dhafka ah ee isugu jira Millitari, Boolis iyo Asluub, waxa uuna cadeeyay in amniga magaalada oo idil ay la wareegi doonaan.

Khadar waxa uu sheegay in Ciidamadan ay si wadajir ah uga shaqeynayaan sugidda ammaanka, si looga hortago falalka ka baxsan ammaanka, waxa uuna aad u amaanay ciidamada qaadi doona howlgalada ee isku dhafka ah.

Dhinaca kale, ku simaha Ra’isul wasaaraha ahna Ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed “Khadar”  ayaa xusay in ciidamada qalabka sida ay yihiin kuwa dartood lagu gaarayo hannanka dawladnimada. loona bahanyahay in lagu buraarujiyo sida ay uga hortagilahaayeen cadawga banneeystay daadinta dhigga shacabka  Soomaaliyeed.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com