Xidig: Haddii ay xun yihiin Farmaajo iyo Kheyre waxaa ka sii xun xildhibaannada

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ka mid ah mudanayaasha BFS ayaa daboolka ka qaaday in Xildhibaanada baarlamaanka ay yihiin kuwo aan kala aqoon fiicnaanta iyo xumaanta.

Xildhibaan Xiddig oo ka hadlaayay kulanka baarlamaanka ayaa sheegay in amniga magaalada Muqdisho uu xiligan yahay mid ka wanaagsan xiliyadii hore, waxa uuna ku nuux-nuuxsaday in horay ay usoo arkeen Wasiiro iyo Xildhibaano la dilaayo.

Xildhibaan Xiddig, waxa uu tilmaamay in magaalada Muqdisho ay soo martay xili Wasiir iyo Xildhibaan aysan socon Karin wadooyinka, balse iminka ay heystaan amni ku filan markii loo eego dowladihii hore.

Nuqul kamid ah hadalkiisa aya ahaa “Amniga maanta waa ka fiican yahay kii hore ee dadka yaan la qalqal galin waxaa jirtay xilli xildhibaanada ay si joogta ah u dhimanayeen, wasiiradana la dilayay”

Waxa uu intaa raaciyay “Amniga magaalada Muqdisho hadda waa mid la isku halayn karo, oo meesha aan rabno ayaan ku shiri karnaa, Xildhibaanada maaha inay qalqal u abuuran shacabka waxaanu orankaraa inaad kasii daran tihiin kuwa aad dhaliileysan”.

Xildhibaan Xiddig, waxa uu tilmaamay in Xildhibaanada qaar ay yihiin kuwo u hadlaaya “Iska hadal” waxa uuna ku tilmaamay inay kasii liitan kuwa qalqalka amni ka dhexwada dalka.

Xiddig isaga oo sii hadlayey ayuu sheegay in hadii ay Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha yihiin kuwo xun ay ka sii xun yihiin Xildhibaanadii doortay.

“Haddii aad ku faataxeysateen inay xun yihiin Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha waxaa ogaatan inaad kasii xun tihiin waayo adinkaa xumaanta ku doortay”

Si kastaba ha ahaatee, Xildhibaan Xiddig ayaa Xildhibaanada baarlamaanka ku sifeeyay inay yihiin kuwo qalqal iyo dhibaato ku haya dalka, waxa uuna ka digay in hadal lagu niyad jabiyo dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com