Weriye Abdiaziz Abdullahi Salah oo ka badbaaday qarax lagu xiray gaarigiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Shibis gaar ahaan Waaxda Calasow Dheere ayaa sheegaya in goor dhow halkaasi uu ka dhacay qarax gaari.

Qaraxa ayaa ahaa mid lagu xiray gaari nooca raaxada ah, oo uu leeyahay weriyaha Wariye Abdiaziz Abdullahi Salah oo ka mid ah wariyayaasha ka howlgala idaacadda VOD Radio Xamar ee magaalada Muqdisho.

Si katsaba, xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in weriyaha uusan xilligaas la socon gaariga.

Ilo-wareedyo dhanka amniga ayaa sidoo kale Caasimada Online u sheegay in qaraxa la doonayey in lagu dilo weriye Abdiaziz, balse nasiib wanaag uu ka degay waxyar kahor inta aan la qarxin. 

Magaalada Muqdisho ayaa caan ku ah beegsiga weriyayaasha, waxaana horey loogu dilay tobanaan weriye, ayada oo dilkooda ay fulisay kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.