Sawirro: Ethiopia iyo ONLF oo Asmara ku kulmay iyo qodob la isku afgartay

Asmara (Caasimada Online) – Dowladda Ethiopia iyo Jabahadda xoreynta Ogaadeeniya ee ONLF ayaa kulan ku yeeshay magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea, halkaasi oo ay ku yeesheen wada-hadallo qodob muhiim ah ay isku afgarteen, sida ay sheegeen mas’uuliyiin sare.

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafa Muxumed Cumar, oo waftiga dowladda Ethiopia matalayey ayaa sheegay inuu kulan magaalada Asmara kula qaatay hoggaamiyeyaasha ururka ONLF.

Dhinaca ONLF waxaa hoggaaminayey Guddoomiyaha ururka Admiral Maxamed Cumar Cusmaan iyo mas’uuliyiinta kale ee ururkaasi, iyadoo heshiiska labada dhinac ay gaareen xuu yahay qaabka wada-hadalka rasmiga ah uu u dhacayo, iyo in madaxda ONLF ay dib ug noqdaan dalkooda.

Mustafa Cumar ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in madaxada ONLF ay ka wada haldeen taarikhda halgankii dheera iyo ku guriyo noqoshada.

Hadalkan madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan dowladda Itoobiya ay cafis u fidisay uraradii mucaaradka ee dowladda kasoo horjeeday isla markaasna waxay ka saartay liiska argagixisada.

Dowladda Itoobiya waxay wafddi isku dhaf ah u dirtay magaalada Asmara si ay ururada wadahadalo nabadeed ula yeeshaan, waxaana kamid ah ururka ONLF oo muddo dagaal kula jiray dowladda Itoobiya.