“Dhismaha Qarankeena waxaa dhibaato ku haya Xildhibaano hareer maray ujeedka loo soo xushay”

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Canab Xasan oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Somalia ayaa shaaca ka qaaday in Xildhibaanada BF ay sabab u yihiin dhibta ka jirta dalka.

Xildhibaan Canab, ayaa sheegtay in Qaranka Soomaaliyeed ay si cad u hortagan yihiin Xildhibaanada Baarlamaanka ee kulanka maanta goobjooga ka ahaa.

Waxa ay tilmaantay in wax lala yaabo ay tahay in Xildhibaano matalaaya shacabka ay hadana ka shaqeeyan dhismo la’aanta Qaranka Somalia.

Nuqul kamid ah haddalka Xildhibaan Canab ayaa ahaa “Qaranka waxaa hortaagan inuu dhismo intaan meesha fadhisa ee xildhibaano ah, marka sidee la rabaa in dalka uu ku hagaago”

Waxa ay sheegtay Xildhibaanada inay aad uga xun tahay in kulamada baarlamaanka lagu soo koobo dhaliil qura, waxa ayna ku baaqday in dowlada lagu amaano waxqabadkeeda.

Sidoo kale, Xildhibaan Canab ayaa carab dhawday in dowlada Somalia lagu dhaliili karo khaladaadkeeda balse dhaliisha badan ay caqabad ku noqon karto dadaalada lagu dhisaayo Qaranka.

Haddalka Xildhibaanada ayaa u muuqda mid lagu muujinayo dhibaatooyinka ay Xildhibaanada qaar ku hayan dowlada Somalia oo aan wali lab asana jirsan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com