Xidig: In DF aysan faragelin ku sammeyn doorashada Jubbaland ayaa ballan ah

Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, ayaa sheegay in xildhibaanada Jubbaland ee ku jira Dowladda Federaal ay ka shaqeyn doonaan horumarinta deegaanka.

Xildhibaanka ayaa sheegay in aysan aqbali doonin faragelin ka lagu sameeyo deegaanada Jubbaland, gaar ahaan xiliga ay dhaceyso doorashada madaxweynaha maamulka Jubbaland, sida uu hadalka u dhigay.

Khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Jubbaland ayuu dalbaday inay wanaagsan tahay in la dhameeyo si looga wada shaqeeyo horumarka deegaanka.

Mar uu ka hadlay faragelin dowladda ku sameyn karto doorashada Jubbaland ee soo socota ayuu sheegay inaysan aqbali doonin oo iyaga ay difaac adag u noqon doonaan sidii aysan faragelin u dhici laheyn.

Axmed Madoobe, ayuu sheegay inuu yahay hogaamiyaha Jubbaland loona baahan yahay in looga dambeeyo dhaqdhaqaaq walbaa oo laga sameynayo deegaanada Jubbaland.

“Ma aqbaleyn faragelin meel kale kaga imaaneyso Jubbaland xiligan iyo xili karaba, haddii uu mugdiga dowladda iyo Jubbaland jirana, waxaa wanaagsan in horumarka dalka laga shaqeeyo”ayuu yiri Xildhibaan Xidig.

Dhawaan waxaa la filayaa in doorasho ay ka qabsoonto magaalada Kismaayo oo xarun KMG u ah maamulka Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com