CEEB: Baadari Yahuud ah oo kashifay sir ku saabsan lixda dal ee KHALIIJKA

Muqdisho (Caasimada Online) – Lixda dal ee Khaliifka ayaa tartan ugu jira in waddan walbaa uu noqdo mid xiriir toos ah la sameeya maamulka Yahuuda Israel, waxaa sidaas shaaciyay ilo xog ogaal ah.

Madaxweynaha Hay’addaha Isfahamka Jinsiyadeed ee Israel, Marc Schneier ayaa shaaca ka qaaday in wadamadaasi ka tirsan Khaliijka inay tartankaasi ugu jiraan sidii midkood u noqon lahaa wadan xiriir diblomaasi la sameysta Israel.

“Waxaan aaminsanahay in la arki doono, sameynta xiriirka toos ka ah ee Baxreyn, kuwa kalana wey ku raaci doonaan” sidaasi waxaa yiri Marc Schneier oo ah baadari Yahuud ah, isaga oo ku saleeyay hadalkiisa kadib booqashadiisii Sacuudiga, Cumaan, Baxreyn, Qatar iyo Imaaraatka Carabta 15 kii sano ee lasoo dhaafay.

Wuxuu intaasi ku daray in hanjabaadii Iran ay sababtay in isbadal uu ku yimaado wixii laga aamisanaa Israel, isaga oo sheegay in dalalkaasi ay u muuqdaan kuwa ugu horeeya ee xiriir diblomaasi la sameyn doono Yahuuda.

Sida uu leeyahay Marc Schneier oo Mareykanka ku dhashay, Boqorka Qatar maamula iyo hogaamiyaasha Sacuudiga ayaa sheegay in isku dhafka Hantida ama dhaqaalaha Khaliijka iyo aqoonta Yahuuda ay dhalin karto inay gobolka u badasho goobta ugu wanaagsan dunida.

Wuxuu sheegay in xiriirka Diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya Israel iyo lixda wadan ee Khaliijka uu bilaaban doono sanadka 2019, taasi oo ka dambeysay xaalada nabadeed ee Dhulka Falastiiniyiinta.

Marka laga reebo Masar iyo Jordan oo heshiis Nabadeed la galay Israel, waxaa loo malaynayaa inaysan xiriir toos ah yeelan doonin wadamada kale ee Carabta iyo Israel.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com