Maxaa ka jira in GEELLE uu ku biiray isbahaysiga sedex Geesoodka ee G/Afrika?

Jabuuti (Caasimada Online) – Warar aan la xaqiijin oo la isla dhex marayo ayaa sheegaya in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele uu ku biiray dabaylaha ka socda gobalka Geeska Afrika ee salka ku haya kulamada dhex maray Madaxweynayaasha Soomaaliya, Ereteriya iyo Raysalwasaaraha Itoobiya.

Raysal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed, oo isagu wada isbedelka ka socda Geeska Afrika, ayaa magaalada Addis Ababa kulan kula yeeshay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele oo ay ka wada qayb galeen shirkii Madaxda Afrika.

Warbaahinta ku hadasha afka dawladda Itoobiya ayaa sheegtay in Madaxweyne Geele uu ku biiray wax ay ugu yeedheen isu soo dhawaanshaha iyo is dhex galka gobalka Geeska Afrika ee Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya oo aanu dalkiisu qayb ka ahayn. Laakiin lama hayo war cad oo ay dawladda Djibouti ku sheegtay inay ku biirtay wadamadan oo ay ka qayb galayso shirka dambe oo la filayo in lagu qabto magaalada Muqdisho ee Soomaaliya.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ayaa raysal wasaaraha Itoobiya ka codsaday inuu u hawlgalo sidii loo xalin lahaa colaadda Ereteriya iyo Djibouti oo aan weli si rasmi ah loo dhammayn.

Waxa ay warbaahinta Itoobiya baahisay sawir ay wada socdaan Madaxweyne Geele iyo Raysal wasaare Dr. Abiy Axmed oo labaduba dhoola cadaynaya. Balse dadka siyaasadda diblomaasiyadda falanqeeya ayaa aaminsan inay weli kala durugsanyihiin Djibouti iyo dalalka Gobalka ee ay Itoobiya hor boodayso.

Si kastaba ha ahaate maalmaha soo socda ayay kala cadaan doontaa in Djibouti ka mid noqotay isbahaysigaas oo ay dantu ku khasabtay inay ku biirto si aaanay u gelin go’doonkii ay Ereteriya ku jirtay tobanka sannadood oo kale.

Caasimada Online
Xafiiska Jabuuti
Caasimada@live.comÂ