Dhallinyaro si qarsoodi ah looga wado dalka kadibna ciidamo dagaal laga dhigo

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa sanad walbaa laga kaxeeyaa dalka Soomaali si qarsoodi ah, kuwaasi oo loo sheegaa inay fursado ka helayaan dalal Qatar ay kamid tahay.

Dhalinyarada ayaa marka hore dalalka ay tagayaan lagu geeyaa inay banaan yihiin fursado shaqo, waxaana horaantii sanadkaan dhalinyaro badan lagu kaxeeyay inay Qatar ka jirto fursad ay ku noqonayaan ciidamo boolis ah oo ilaalinaya amaanka ciyaaraha adduunka ee sanadkan 2022.

Qaar kamid ah dhalinyaradaasi ayaa ka sheekeeyay inay qorshahaasi mid aan aheyn ay la kulmeen markii la geeyay magaalada Doxa ee dalka Qatar, waxaana ay sheegeen in loo tababaray inay militari noqon doonaan.

Fursadaha shaqo la’aaneed ee ka jira dalka Soomaaliya ayaa sababa in dalal badan ay dhalinyaro ka kaxeystaan dalka, iyaga oo suuqa soo gelinaya inay jiraan fursado shaqo oo dhaqaalo badan lagu helayo.

Dhalinyarada ayaa marka la siiyo tababarka ciidan ee militari waxaa loo adeegsadaa xasaradaha ka jira dalalka Africa iyo Bariga dhexe, sida ay sheegeen qaar kamid ah dhalinyaradaasi oo saxaafadda la hadlay.

Waxaa Afar bilood ka hor jiray qorshe Suuqa lasoo geliyay oo dhalinyarada looga qaadanayay min 5000 oo doolar , iyada oo dhalinyarada loo sheegayo in Australia ay geel ku ilaalin doonaan sanadkiina ay heli doonaan dhaqaalo badan, balse ilaa iyo hadda ma jiro ruux ku baxay iyadoo dhalinyaro badan oo Uganda Joogta dhaqaalo looga qaatay.

Warbixin muuqaal ah hoos ka daawo

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com