XOG: Maxaa ka jira in DF ay wadato musharraxa laga yaabay ee PUNTLAND?

Garoowe (Caasimada Online) – Musharaxa madaxweynaha  Puntland Maxamuud Khaliif Jebiye ayaa si xawli ah u wada ol’olihiisa doorashada ee madaxtinimada maamulkaas, isaga oo booqanaya deegaano badan, kuna deeqay lacag kumaan dollar ah.

Musharaxan oo sidoo kale bulshada Puntland iyo kuwo Soomaaliyeed oo dhan uga yaabiyey gaariga aan xabadda karin ee uu maalinta cad kala dagay Garowe, ayaa laba su’aalood la iska weydiinayey, oo mid ka mid ah ay tahay inay wadato dowladda federaalka.

Dhawr wareysi oo lala yeeshay ayuu Jabiye ku sheegay in  uu yahay siyaasi milyaneer ah oo ay aflagaado ku tahay in lagu sheegi dowlad ayaa wadata!

Hase ahaatee, baaritaan ay Caasimadda Online sameysay ayey ku soo xaqiijisay in isaga iyo dowladda xiriir ka dhexeeyo, balse uusan buurneyn!

Sida ay ilo ku dhaw dhaw dhaq dhaqaaqiisa ol’ole u sheegeen Caasimada Online, Jabiye ma jirin wax aqoon ah ama saaxiibtinimo kala dhexeysay madaxa sare ee dowladda, hase ahaatee, uu isagu Muqdisho ugu  yimi iskuna baray.

Ka hor inta uusan shaacin Jabiye waxa uu hoggaanka sare ee dalka kula kulmay Muqdisho oo uu sheegay in uu yahay musharax diyaarsan, ahna jifida sanadkan xaqqa u leh xilkaas oo uu la shaqeyn doono haddii la doorto.

Madaxa dowladda waxa ay u sheegeen in ay taageerayaan balse ay shuruud uga dhigayaan in xoogga ay galinayaan hadba ku xirnaan doonto  dhaq dhaqaaqiisa iyo firdircoonida uu muujiyo.

Sidoo kale Jabiye waxa uu wacad ku maray in uu diyaar u yahay ugu yaraan in uu shaqsi ahaan doorashada ku khasaariyo saddex Milyan oo Dollar-ka Mareykanka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com