Somaliland oo war kasoo saartay qunsulkii Ethiopia ee HARGEYSA ka laabtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay talaabadii magaalada Addis Ababa looga yeeray qunsulkii Ethiopia u fadhin jiray magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan, ayaa si cad u sheegay in wax saameyn ah uusan ku yeelan doonin xiriirkii kala dhaxeeyay Ethiopia qunsulka dib ugu laabtay magaalada Addis Ababa.

Wasiir ku xigeenka ayaa intaasi ku daray in warbaahin cadow ku ah Somaliland ay faafisay warar been abuur ah oo ah inuu dhamaanayo xiriirka Somaliland iyo Ethiopia, markii haddii qunsulka dib loo celiyay.

“Xiriirka Somaliland iyo Ethiopia waa sidiisii,waxaana ay ka mid tahay isbeddelka hanaanka Diblomaasiyadeed in beddelkiisii la soo magacaabo ayaan rajeyneynaa, wax saameyn ahna naguma yeelan doono” ayuu yiri Liibaan Yuusuf Cismaan.

Warbaahinta Soomaalida ayaa Todobaadkan qortay in qunsulka la beddelay ay la xiriirto heshiiskii dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay magaalada Baxardaar kula saxiixatay Itoobiya iyo Eritrea,kaas oo dhowrayay midnimada dhuleed iyo madaxbanaanida Soomaaliya.

Kadib isfahamkii dowladda Soomaaliya iyo Ethiopia waxaa culeesyo badan uusoo wajahay Dowlad goboleedyada dalka, waxaana Somaliland ay kamid noqotay maamulada waayay dhaqdhaqaaqyo badan iyo saameyn ay ku lahaayeen Ethiopia.

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com