Xildhibaanada K/Galbeed oo shuruud adag ku xiray ka qeyb galka doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada Koofur Galbeed oo saxaafadda kula hadlay magaalada Baydhabo ayaa ku hanjabay inaysan codeyn doonin doorashada madaxweynaha.

Xildhibaan Maxamed Macalin Axmed oo kamid ah baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa ka sheegay magaalada Baydhabo inaysan codeyn doonin, haddii aan la joojin cadaadiska lagu hayo guddiga doorashada.

Xildhibaanka wuxuu sheegay inay ka warhayaan in guddiga lagu cadaadinayo inay badalaan habraaca doorashada Koofur Galbeed, iyadoo lagu cadaadinayo inay liiska musharixiinta ka reebaan seddex musharax.

Wuxuu sidoo kale sheegay in haddii la joojiyo cadaadiska lagu hayo guddiga doorashada inay doorashada ka qeyb gali doonaan, haddii la joojin waayana aysan ka qeyb gali doonin codeynta doorashada.

“Waxaan isku ogeyn in habraaca doorashada aan waxba laga badalin, dowladda Dhexe ayaa cadaadis wada, mana aqbali doono, haddii habraaca la badalo maka qeyb gali doono doorashada”ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Macalin.

Xiisad cusub ayaa muuqata inay halkaasi kasoo baxday, iyadoo xubnaha guddiga doorashada qaarkood ay ku hanjabeen inay iscasili doonaan haddii aan cadaadiska laga joojin.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in guddiga laga doonayo inay doorashada aysan ka qeyb galin Musharixiinta kala ah Mukhtaar Roobow, Aadan Saransoor iyo agaasimihii hore ee Nabad sugidda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@Live.com