Yahuudda oo cabsi xoog leh ka muujiyey sawaariikh casri oo ay Xamas heshay

Qudus (Caasimadda Online) – Khabiir Military oo Yuhuudi ah ayaa ka dhawaajiyey in kooxaha Muqaawamada Filistiin ay horumarin ballaaran ku sameeyen gantaallada ay la beegsadaan deegaannada lagu deegaameeyay dadka Yuhuudda ah ee dhulka Filistiin xoogga ku heysta.

Khabiirkan Yuhuudiga ah oo wax ku qora Website-ka Israel Defense, laguna magacaabo Caami Domba ayaa ka dhawaajiyey in xarakada Xamaas iyo kooxaha ka garab dagaalama ee muqaawamada ahba ay sawaarikhdooda ku sameeyeey Horumarin ballaaran oo la taaban karo.

Duqeymahoodi ugu dambeeyana ay banaanka soo dhigeen Awoodda ay u leeyihiin Beegsashada magaalooyinka ay deganyihiin dadka Yuhuudda, gantaalladoodana ay ahaayeen kuwa intooda badan ka gudbay qalabka difaaca cirka ee maamulka Sahayuuniyada, kuna dhacay goobo ay dadka Yuhuuda ah deganyihin.

Waxa uu yiri” marka aan fiirinno duqeymihii ugu dambeeyey ee labada dhinac is dhaafsaden, “waxaa kuusoo baxaya awoodda ay leeyihiin kooxaha falastiiniyinta ah” isagoona tusaale usoo qaatay xarakada Xamaas oo uu sheegay in ay 530 Gantaal u ridday dhanka deegaanada ku hoos jira gummeysiga Yuhuuda, kuwaas oo 460 Kamid ah ay beegsadeen deegaanno ladeganyahay oo uu ku rakibanyahay qalabka difaaca cirka ee loo yaqaan Qubatul Xadiidiyah, qalabkaas oo ku fashilmay qabashada gantaalada lagu weeraray maamulka Yuhuuda, kaliyana ku guuleystay inuu qabto 100 gantaal oo muqaawada ay soo rideen, in kabadan 430 kalena ay ka baxsadeen.

Isagoo hadalkiisa sii wata Ayuu sheegay Domba in Xamaas 87% ay ku guuleysatay in gantaaladeeda ay beegsadaan goobo la dagan yahay, taas oo muujineysa in Khubarada dhanka hubka ee Xamaas ay ku guuleysteen Sixista Ahdaafta ay gantaaladooda garaacayaan, arinkaas oo marki hore ahaan jiray mid mustaxiil ah, sida uu daabacay Websiteka  Caka ee ka faalooda arimaha Israel.

Khabiirkan Yuhuudiga ah ee lagu magacaabo Caami Domba ayaa shaaciyey in horumarka ay gaareen muqaawamada ay ka dhalan karto arimo badan oo halis galinaya Amniga Israel, taas oo ay ugu horeyso khasaaraha nafeed iyo mida hantiyeed ee gantaalada muqawamada ay geysanayaan, iyo baahida loo qabo in Maamulka Yuhuuda uu soo kordhiyo gantaalada difaaca Cirka, si looga hor tago Sawaarikhda Xamas ee kusoo hoobanaya dhulka gumeysiga ku hoos jiro, arinkaas oo dhalin doona dhiig bax dhaqaale iyo mid dhanka difaaca cirka ah oo kuyimaada ciidanka Yuhuuda, mar kasta oo uu dagaal ka dilaaco Magaalada Gaza iyo Dhulka ku xeeran, ha ahaato waqti dhow ama mid ku saleysan mustaqbalka fog ee kooxaha muqawamada ay u diyaar garoobayaan.

Muqaawamada Ayuu sheegay inay mar kastaba guul ku jiiifaan, Maamulka yuhuudana uu marba marka ka danbeyso sii weynayo Misdaaqayadii uu lahaa, halka dhinaca kale uu kusoconayo dhig bax dhaqaale iyo mid military, sababo ku aadan miizaaniyada faraha badan ee ku baxda Arimaha difaaca, taas oo hadana lagu guuleysan la’yahay in laga hortago gantaalada Falastiiniyiinta.

Caasimada Online
Xafiiska Qudus
Caasimada@live.com