Sarkaalkii SOMALILAND ka goostay oo dagaal kula wareegay CEEL-AFWEYN

Ceel-afweyn (Caasimada Online) – Dagaal culus ayaa ka dhacay agagaarka Saldhigga Degmada Ceel-afweyn ee gobalka Sanaag waxaana la soo sheegayaa inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalkaan ayaa dhaxmaray Ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland iyo Sarkaal dhawaan ka goostay Somaliland oo galay keymaha gobalka Sanaag.

Goob joogayaal ayaa soo sheegaya in kooxdii weerarka qaaday ay qabsadeen Saldhigga ayna dhaawaceen Taliye ku xigeenkii Saldhigga Ceel-afweyn, sidoo kale Ciidamadii weeraray degmadaasi ayaa xabsiga ka sii daayay tiro dad ah oo ku xernaa Xabsiga degmada Ceel-Afweyn ee Gobalka Sanaag.

Sarkaalkaan weerarka qaaday ayaa lagu magacaabaa Korneel Caarre waxa uuna dhawaan ka baxay Somaliland isaga iyo Ciidamo uu hogaamin jiray, dadka yaqaana ayaa sheegaya in midnimada Soomaaliya uu aaminsan yahay sababaha uu uga baxay Somalilandna ay tahay kala aragti duwanaansho arintaasi la xariirta.

Sidoo kale Sarkaalkaan ayaa la sheegay in khilaaf culus oo kala dhaxeeyo taliyaha Ciidamada Somaliland ayna sababta ugu weyn ee soo dadajisay ka bixitaanka Somaliland ay tahay khilaafkaasi.

Korneel Caarre ayaa u muuqda Jabhad cusub oo ka aas aasan tahay Somaliland waxaase laga baqayaa in dhibaato ay soo food saarto gobalka Sanaag.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com