Doorashada K/Galbeed oo mar kale dib loo dhigay iyo waqti cusub oo la qabtay

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddiga qaban qaabada doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa mar kale soo saaray jadwalka doorsahada madaxweynaha, iyada oo waqtigii loogu talo galay ay dib uga dhacday.

Kulan ay magalada Baydhabo ku yeesheen guddiga doorashada madaxweynaha, ayaa waxa ay soo saareen jadwal cusub oo ah habraaca doorashada.

Guddiga ayaa waxa ay sheegeen in 26-ka bishaan oo ku beegan maalinta sabtida ah ay bilaaban doonto diiwaangelinta musharixiinta, isla markaana ay ku egtahay 27-ka bishaan.

Sidoo kale 27-ka bishaan ayaa gudiga waxaa lasiin doonaa tababar ku saabsan doorashada, halka 1-da bisha soo socota ee December ay guddiga yeelan doonaan kulan is-xog wareysi ah.

2-da ilaa 3-da December ayaa musharaxiinta waxaa fursad loo siin doonaa in xildhibaanada ay ka hor-jeediyaan khudbahooda ku aadan waxyaabaha uu mid walba qaban doono hadii la doorto.

Gababadii 5-ta bisha December ayaa loo qorsheeyay inay dhacdo doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ah mid xasaasi ah, taasoo aad ka dareemeyso in uu jiro muran ku saabsan waqtiga rasmiga ah ee ay dhaceyso iyo qaabka loo wajahayo, waxaana weli jirta in dowladda federaalka lagu eedeynayo inay faragelin ku heyso doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com