Xidigle Buulle Xuseen oo lagu dilay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa saaka qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho lagu dilay Xidigle Buulle Xuseen oo ka mid ahaa Booliiska Soomaaliyeed.

Marxuumka ayaa waxaa toogasho gaadma ah ku dilay rag ku hubeysnaa bistoolado, kuwaas oo goobta isaga baxsaday falka kadib.

Wararka qaar ayaa sheegaya in  Marxuum Buulle uu ka tirsanaa saraakiisha ciidamada ammaanka u xil saarnaa sugida amniga xarunta golaha shacabka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa goobta uu dilku ka dhacay daqiiqado kadib tegay ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska Soomaalueed oo goor dambe halkaasi ka qaaday meydka marxuumka.

Ciidamada ayaa sidoo kale bilaabay baaritaano dheeraad ah oo lagu baadi-goobayo kooxdii ka dambeysay falkaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo hay’adaha amniga ay ka bixiyeen toogashada loo geystay sarkaalkaasi.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho ka dhacayey falal ammaanka darri oo u badan dilal qorsheysan.