Kulamo ka socda Cadaado iyo madaxweyne Qoor Qoor oo khilaaf kadib billaabay qorshe isku tashi ah (Xog)

Cadaado (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa shalay galab gaaray magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, waxaana soo ifbaxay khilaaf culus oo kala dhaxeeya saraakiisha ciidamada dowladda federaalka ee beesha Ceyr.

Khilaafkaas ayaa salka ku haya gadiidkii iyo hubkii Ahlu-Sunna oo mar kale ku laabtay gacanta Jeneraal Mascuud Maxamed Warsame, oo horay u ahaa taliyihii ciidamadii Ahlu-Sunna ee markii dambe ay la wareegtay dowladda federaalka, waxaana wareejinta gaadiidka iyo hubkaas oo ku xareysnaa Madaxtooyada xilkiisii ku waayey taliyihii ciidanka ilaalada madaxtooyada Galmudug Najiib Xirsi Dhoore.

Qoor Qoor ayaa Cadaado uga sii gudbi doona magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, halkaas oo uu tababar ugu soo xirayo ciidamo cusub oo ku biiraya daraawiishta Galmudug oo dhawaan aas-aaskoodu bilaawday.

Horay waxaa deegaanada Galmudug uga taagnaa khilaaf u dhaxeeyey saraakiisha beesha Ceyr ee ka tirsan dowladda federaalka oo is xulufeystay iyo wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo haatan dantu biday aas-aasidda ciidan daraawiish ah oo ay yeelato Galmudug.

Qoor Qoor iyo Fiqi ayaa hadda xooga saaraya sidii ay u dhisan lahaayeen ciidamo daraayiish ah oo toos uga amar qaata, maadaama ay isku xumaadeen saraakiisha hoggaamisa qeybaha ciidamada ee dowladda federaalka ka jooga Galmudug.

Wasiir Fiqi ayaa waayihii dambe deegaanada Galmudug waday uruurinta maleeshiyo beeleedyada iyo hubkooda, isagoo koox kasta deegaan uga furayey tababarro, si uu u soo saaro ciidan daraawiish ah oo ka amar qaata.

Madaxweyne Qoor Qoor oo khilaafkaas aawgiis isaga bedelay taliyihii ciidanka gaarka ah ee ilaalada madaxtooyada Galmudug ayaa dowladda federalka ka dalbaday ciidan Haramcad ah.

Dowladda federaalka oo ka jawaabeysa dalabka Qoor Qoor ayaa saakay Dhuusamareeb ka dejisay 200 oo askarta Haramcad ah, kuwaas oo uu hoggaaminayo taliye Farxaan Qaroole.

Sidoo kale isla shalay waxaa Dhuusamareeb gaaray wafdi uu hoggaaminayey taliyaha hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda Maxamed Aadan Koofi oo halkaas u tegay xalinta khilaafka soo kala dhex galay saraakiisha iyo madaxweyne Qoor Qoor.

Wafdiga Koofi iyo xubno kale oo ka raacay Dhuusamareeb ayaa xalay Qoor Qoor uga daba tegay Cadaado, waxayna halkaas ku leeyihiin kulan looga arrinsanayo sidii xiisaddan loo qaboojin lahaa.

Hubkii iyo gaadiidkii Ahlu-Sunna ayaa waayihii dambe lagu dhex waardiyey jiray Madaxtooyada Galmudug, waxaana laga saaray intii uu Muqdisho ku maqnaa madaxweyne Qoor Qoor, iyadoo taliyihii hore Najiib Xirsi uu ku wareejiyey Jeneraal Mascuud taliyaha guutada 15-aad qeybta 21-aad ee militeriga Soomaaliya.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa ku adkeysanaya in gadiidka iyo hubka Ahlu-Sunna lagu wareejiyo wasaaradda amniga Galmudug, balse Jeneraal Mascuud iyo saraakiisha la safan ayaa ku doodaya in hubkaas uusan aheyn hub dowladeed ee uu yahay hub beeleed.

Qoor Qoor oo hadal ka jeediyey fagaarihii lagu soo dhaweeyey ee magaalada Cadaado ayaa yiri, “Waxii xumaan-wada oo nabadda, wanaaga iyo guusha aan gaarnay raali aan ka aheyn, xoogna waan isaga qabaneynaa xeelna waan isaga qabaneynaa.”