Shiinaha oo jawaab cajiib ah ka bixiyey qoraal Somaliland ay soo dhigtay twitter-ka

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ee fadhigiisu yahay Hargeysa iyo dowladda Shiinaha ayaa markale isku qabtay arrin la xiriirta Taiwan, taas oo haatan xiisad cusub ka dhex abuurtay labada dhinac oo markii horeba isku hayay diblumaasiyadda.

Xiisadda cusub ayaa ka dhalatay hadal kasoo yeeray wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland oo si aan gambasho lahayn uga hadashay dhoolatus milatari oo uu Shiinaha ka sameeyay aagga Taiwan, ayada oo si weyn ugu dhaleeceysay xukuumadda Beinjing.

“Xuduudaha qaran ee waddan la yeehay waa in la ixtiraamo, lagana ilaaliyo argagixisada kusoo duusho, ama khatar dibadeed, laakiin dhoolatuska Shiinaha run ahaantii wuxuu jabinayaa maqaamkii marinka Taiwan,” ayay tiri wasaaradda arrimahadda dibadda Somaliland oo qoraal soo dhigtay twitter-ka.

Xukuumadda Somaliland ayaa sidoo kale taageero u muujisay Taiwan, waxayna shaaca ka qaaday inay ku garab taagan tahay ilaalinta iyo difaaca dhulkeeda.

“Sidaas daraadeed Somaliland waxay garab taagan tahay Taiwan oo ay ka mideysan yihiin dimuquraadiyadda” ayay hadalkeeda raacisay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.

Dhinaca kale safiirka dowladda Shiinaha u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, FEI Shengchao ayaa isla twitter-ka jawaab kulul u dhigay wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland.

Danjire FEI Shengchao ayaa hadalka kasoo yeeray Somaliland ku tilmaamay wax lagu qoslo, wuxuuna sidoo kale ku sheegay inay tahay qoys gurigooda ka sameystay sohdin.

“Waa in la ixtiraamaa xuduudaha uu qaran leeyahay, laakiin haka dhigin xuduud qaran leeyahay waxyaaba lagu qoslo iyo meel aanay jirin. Qoysas caqliga saliimka leh sohdin kuma dhex sameystaan guryahooda,” ayuu isna ugu jawaabay Danjire FEI Shengchao.

Shiinaha iyo Somaliland ayaa marar badan sidan oo kale hawada isku mariyay hadallo kul-kulul, waxayna xiisaddooda kasii dartay markii ay Xukuumadda Hargeysa ee u hoggaamiyo Muuse Biixi xiriir la yeetay Taiwan oo Shiinaha u aqoonsanyahay qayb kamid ah dhulkeeda.